
Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta si rasmi ah u gaaray magaalada Muqdisho, safarkaas oo ah kii ugu horreeyey tan iyo markii dib loogu doortay hoggaaminta maamulka Koonfur Galbeed.
Wafdiga hoggaamiyaha ayaa si diirran loogu soo dhoweeyey Garoonka Caalamiga ah ee Aadan Cadde, halkaas oo ay ku qaabileen xildhibaanno ka tirsan labada aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, oo ay ka mid ahaayeen Guddoomiye Ku-xigeenka Labaad ee Golaha Shacabka iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan dowladda federaalka.
Soo dhoweynta ayaa ahayd mid si heer sare ah loo agaasimay, iyadoo ay ka muuqatay soo dhawayn siyaasadeed iyo mid dowladeed oo lagu muujinayo muhiimadda safarka hoggaamiyaha Koonfur Galbeed ee caasimadda dalka.
Sheekh Aadan Madoobe ayaa uga mahadceliyey masuuliyiinta, xildhibaannada iyo bulshada kala duwan ee ka qayb gashay soo dhoweynta, isagoo ku tilmaamay mid muujinaysa is-ixtiraam siyaasadeed iyo wada shaqayn dhex marta hay’adaha dowladda.
Intii uu ku sugnaa Muqdisho, Hoggaamiyaha Koonfur Galbeed ayaa sidoo kale si cad u bogaadiyey hanaankii ay ku dhacday doorashadii maamulka Koonfur Galbeed, isagoo sheegay in ay ahayd doorasho ku qabsoontay jawi nabdoon, hufnaan iyo wadajir, isla markaana ka tarjumaysay rabitaanka shacabka iyo hay’adaha maamulka.
“Doorashadu waxay ahayd mid muujisay bisayl siyaasadeed iyo wada shaqayn wanaagsan oo ka dhex jirta hay’adaha Koonfur Galbeed,” ayaa lagu xusay hadaladiisa.
Sidoo kale, Sheekh Aadan Madoobe ayaa adkeeyey in maamulkiisu mudnaan gaar ah siin doono xoojinta nabadgelyada, horumarinta adeegyada bulshada iyo dardargelinta dowlad-dhiska. Waxa uu sidoo kale carrabka ku adkeeyey muhiimadda ay leedahay in la xoojiyo iskaashiga u dhexeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Dowladda Koonfur Galbeed.
Safarka hoggaamiyaha ayaa la filayaa inuu qeyb ka noqdo xoojinta xiriirka siyaasadeed ee u dhexeeya dowladda federaalka iyo dowlad-goboleedyada, iyadoo la xoojinayo wada shaqayn iyo isfaham siyaasadeed oo ku saleysan dastuurka dalka.





















