Hoggaamiyaha Xamaas oo sadex wiil uu dhalay ladilay

88

Hoggaamiyaha siyaasadda Xamaas Ismaaciil Haniya ayaa xaqiijiyay in saddex ka mid ah wiilashiisa iyo afar carruur ah oo uu awoowe u ahaa lagu dilay weerar cirka ah oo ka dhacay Qasa.

Warbaahinta xiriirka la leh Xamaas ayaa sheegtay in gaariga ay la socdeen wiilashiisa lagu weeraray xerada Al-Shati oo ku dhow magaalada Qasa.

Haniyeh ayaa sheegay in dhacdadani aysan waxba ka bedeli doonin dalabaadka Xamaas ee wadahadalada lagu doonayo in lagu gaaro heshiis xabad joojin ah.

Milatariga Israa’iil ayaa sheegay in wiilashan ay ahaayeen xubno ka tirsan garabka militariga ee Xamaas.
Kooxdan ayaa la sheegay in ay u socdeen xaflad qoys oo ay ku xusayeen maalinta koowaad ee ciidul fitriga.

Haniyeh ayaa u sheegay telefishinka Aljazeera in saddex wiil oo kala ah Hazem, Amir, iyo Muhammad ay ku sugnaayeen Qasa intii uu dagaalku socday.

Bayaan ka soo baxay Xamaas ayaa lagu sheegay in afar ka mid ah uu awoow u yahay Hanayeh – Mona, Amal, Khaled iyo Razan – ay ka mid ahaayeen dadka lagu dilay waxa ay ugu yeereen “khayaano iyo fuleynimo”.