Madaxweyne Xasan Sheekh oo Nairobi lagu soo dhaweeyay iyo xogta Safarkiisa +Sawirro

99

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa si diirran loogu soo dhaweeyey Garoonka Jomo Kenyatta ee magaalada Nayroobi halkan oo uu ku joogayo safar shaqo oo hal maalin ah.

Madaxweynaha ayaa kulan la qaadan doono dhiggiisa dalka Kenya Mudane Wilam Ruto oo ay kaga arrinsanayaan , iskaashiga labada dal ee ciribtirka argagixisada Alshabaab oo caqabad weyn ku ah horumarka, xasilloonida iyo nolosha shucuubta gobolka iyo danaha Soomaaliya iyo Kenya.

Safarka Madaxweynaha Soomaaliya ku yimid magaalada Nairobi ayaa imaanaya xilli dowladda Kenya horay ugu fashilantay dhax dhaxaadin ay ka dhax waday dowladaha Soomaaliya iyo Kenya oo xiriirkooda meel xun gaaray.

Dowladda Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa xiriir dhaw la leh dowladda Kenya, waxaana la filayaa in labada Madaxweyne ee Soomaaliya iyo Kenya kasii wada hadlaan xoojinta xiriirka labada dal.