Hordhac: Liverpool Vs Everton: Reds Oo Aan Guuldaro Kala Kulmin Everton Anfield Tan Ilaa 1999-kii

2364

Kooxda Liverpool ayaa marti galin doonta kooxda Everton kulanka Merseyside Derby kulan ka dhici doona Anfield kana tirsan todobaadkii 15-aad ee horyaalka premier League.

Liverpool ayaa kulanka soo galaysa iyaga oo isha ku haya in ay sii wataan guulaha xilli ay ka warqabaan in uu kulanka Everton yahay mid ku adag xilli ciyaareed waliba.

Dhanka kale kooxda Everton ayaa kulanka soo galaysa iyaga oo ku jira kaalinta 17-aad ee kala saraynta horyaalka waliba si baas u doonaya in ay gaadhaan guul ka caawisa in ay kor uga soo baxaan boosaska khatarta ee lagu hadho.

Kulanka: Liverpool Vs Everton

Tartanka: Premier Leageu

Wakhtiga: 11:15 Habeenimo

Garoonka: Anfield

XAQIIQOOYINKA KULANKA:

Liverpool ayaan la kulmin Guuldaro  17-kii kulan ee ugu dambeeyay ee premier League ay ka hor tageen kooxda Everton waana rikoodhkooda ugu dheer ee guul la,aan ah ee ay koox kale ku leedahay Liverpool premier League.

Everton ayaan kulan horyaalka ah liverpool Kaga badin Anfield tan ilaa September 1999 markaas oo ay 1/0 kaga badisay waxana ay wixii intaas ka dambeeyay guul la,aan yihiin 10 kulan.

Tartamada oo dhan Liverpool ayaan guuldaro kala kulmin Everton 19 kulan Waana rikoodhkii ugu dheeraa ee ay ku leedahay kooxda ay jaarka ku yihiin Merseyside.

Everton ayaa ku fashilantay in ay xitaa gool ka dhaliso Liverpool 7 ka mid ah 11-kii kulan ee ugu dambeeyay ee ay ka hor tagtay premier League.