Hordhac: Man United Vs Aston Villa: Red Devils Oo Leh Gacanta Sare Ee Kulamada Ay La Ciyaarto Aston Villa.

1798

Kooxda Man United ayaa marti galinaysa kooxda Aston Villa kulan ka dhici doona Old Trafford kulan ka tirsan todobaadkii 14-aad ee horyaalka Premier League.

Man United ayaa kulanka soo galaysa iyaga oo doonaya in ay ku soo laabtaan wadada guulaha kadib bar-barihii ay Axadii hore la galeen kooxda Sheffield United.

Dhanka kale kooxda Aston Villa oo guul ka gaadhay Newcastle todobaadkii hore ayaa doonaysa in ay sii wado guulaha ay gaadhayso horyaalka premier league.

Kulanka: Man United Vs Aston Villa

Tartanka: Premier League

Wakhtiga: 7:30 Fiidnimo

Garoonka: Old Trafford

XAQIIQOOYINKA KULANKA:

Man United ayaa guuldaro kala kulantay Aston Villa kaliya hal kulan oo ka mid ah 24-kii kulan ee ay ku ciyaartay garoonkeeda Old Trafford iyaga oo garaacay 12 ka mid ah 13-kii kulan ee ugu dambeeyay waliba 6-dii kulan ee ugu dambeeyay xidhiidh u badiyay.

Kadib markii ay badiyeen laba ka mid ah 7-dii kulan ee Abid ugu horeeyay ee ay ka hor tagto United, Aston Villa ayaa kaliya badisay hal kulan oo ka mid ah 41-kii kulan ee ugu dambeeyay tartanka premier League.

Man United ayaa badisay 34 kulan oo ay premier League ka hor tagtay Aston Villa kooxda kaliya ee kulamada ugu badan guul ka gaadha koox kaliya tartanka premier League ayaa ah isla Man Unitedkuwaas oo 36 kulan ka badiyay Everton.

Man United ayaa guuldaro kala kulantay koox ka soo baxday heerka 2-aad ee England kulankii ugu dambeeyay kaas oo ahay kulankii ay Red Devils guuldarada 2/0 ah kala kulantay Cardiff City.