Hordhac: Norwich City Vs Arsenal: Gunners Oo Bar-Barayn Karta Rikoodh Xun Oo Ay Dhigtay 25 Sano Ka Hor

1734

Kooxda Arsenal ayaa marti u noqon doonta kooxda Norwich City kulan ka dhici doona garoonka Carrow Road kulan ka tirsan todobaadkii 14-aad ee horyaalka premier League.

Kooxda Arsenal ayaa kulanka soo galaysa kulankeedii ugu horeeyay tan ilaa markii shaqada laga caydhiyay tababare Unai Emery iyada oo uu kooxda hogaamin doono Freddie Ljungberg.

Dhanka kale Norwich City aya kulanka soo galaysa iyaga oo dhibaatoonaya kuna jira kaalinta 19-aad ee horyaalka Premier League iyaga oo kaliya leh 10 dhibcood.

Kulanka: Norwich City Vs Arsenal

Tartanka: Premier League

Wakhiga: 5:00 Galabnimo

Garoonka: Carrow Road

XAQIIQOOYINKA KULANKA:

Kadib markii ay 4/2 ku garaacday Arsenal kulan ka dhacay garoonka Highbury kulankii ugu horeeyay ee Abid laga ciyaaray Premier League Bishii August 1992, Norwich City ayaa kaliya badisay hal kulan oo ka mid ah 15-kii kulan ee ugu dambeeyay ee ay ka hor tagtay Arsenal tartamada oo dhan.

Arsenal ayaa la kulantay kaliya hal guuldaro 14-kii kulan ee ugu dambeeyay ee ay booqatay Norwcih City waxana uu kulankaas ahaa mid dhacay October 2012.

Tan ilaa markii ay 3/2 Ku garaacday man City bishii September, Norwich City ayaa laga badiyay 3-dii kulan ee ugu dambeeyay ee garoonkeeda lagu ciyaaray iyada oo laga dhaliyay 10 gool iyaguna dhaliyay 2 gool.

Arsenal ayaan wax guul ah gaadhin 5-tii kulan ee ugu dambeeyay ee prmeier League markii ugu dambaysay ee ayna 6 kulan guul gaadhin premier League ayaa hayd intii u dhexaysay October iyo December 1994.