Hordhac: Real Madrid Vs Real Sociedad Los Blancos Oo Raadinaysa Rikoodh 6 Sano Ka Hor Ay Dhigtay

2256

Kooxda Real Madrid ayaa marti galin doonta Kooxda Real Sociedad kulan ka tirsan todobaadkii 13-aad ee horyaalka La Liga kulan ka dhici doonagaroonka Santiago Bernabue.

Real Madrid ayaa kulanka soo galay iyaga oo isha ku haya in ay sii wadaan qaab ciyaareedka fiican ee ay kulamadii ugu dambeeyay ku jireen horyaalka iyo waliba in ay guul ugu diyaar garoobaan kulanka adag ee ay la ciyaari doonaan PSG bartamaha todobaadka.

Dhanka kale kooxda Real Sociedad ayaa kulanka soo galaysa iyaga oo ku jira kaalinta 5-aad kaliyana 2 dhibcood ka dambaysa kooxda Real Madrid oo leh 25 dhibcood horyaalka.

Kulanka: Real Madrid Vs Real Sociedad

Tartanka: La Liga

Garoonka: Santiago Bernabue.

Wakhtiga: 11:00 Habeenimo

XAQIIQOOYINKA KULANKA:

Kooxda Real Madrid ayaa ah kooxda ugu badan ee kulamada ugu badan garaacday Real Sociedad taariikhda horyaalka La Liga iyaga oo garaacay 18 kulan lana bar-baro ah kooxda Barcelona.

Real Sociedad ayaa kaliya badisay hal kulan oo ay booqatay Santiago Bernabue 12-kii kulan ee ugu dambeeyay ee ay booqatay iyada oo uu kulankaas ahaa January 2019.

Real Sociedad ayaa guuldaro la kulantay 2-dii kulan ee ugu dambeeyay ee horyaalka La Liga ay la ciyaartay kooxda Real Madrid waxana ay kaliya hal mar badiyeen 3 kulan oo xidhiidh ah wakhtigaas oo kala ah inta u dhexaysa 2003 ilaa 2004.

Real Madrid ayaa shabaqeeda ilaashatay 5-tii kulan ee ugu dambeeyay ee tartamada oo dhan waxana ay raadiyaan in ay 6 kulan ilaashadaan shabaqeeda markii ugu horaysay tan ilaa January 2014.