Kulanka ugu xiisaha badan premier League todobaadkan ayaa ah midka dhex mari doona kooxaha Man City iyo Chelsea kulan ka tirsan horyaalka premier League kana dhici doona garoonka Etihad Staduim.
Kooxda Man City ayaa kulanka soo galaysa iyaga oo isha ku haya in ay ku soo laabato wadada guulaha kadib markii ay guuldaro kala kulantay kooxda Liverpool ka hor fasaxii xulalka.
Dhanka kale kooxda Chelsea ee uu hogaamiyo Frank Lampard ayaa kulanka soo galay iyaga oo ku jira qaab ciyaareed cajiib ah waliba kaalinta 2-aad kaga jira horyaalka.
Kulanka ayaa si weyn isha loogu hayn doonaa chelsea marka loo eego in ay guuldaro 6/0 ah kala kulmeen Man City kulankii ugu dambeeyay ee ay ku ciyaartay Etihad.
Kulanka: Man City Vs Chelsea
Tartanka: Premier Leageu
Wakhtiga: 8:30 Fiidnimo
Garoonka: Etihad Staduim
XAQIIQOOYINKA KULANKA:
Man City ayaa badisay 5 ka mid ah 8-dii kulan ee ugu dambeeyay ee ay chelsea ka hor tagtay premier League waana in ka badan intii ay ka badiyeen 21-kii kulan ee hore ee tartanka.
Chelsea ayaa guuldaro la kulantay 3 ka mid ah 4-tii kulan ee ay premier League booqatay Man City iyada oo ay ku jirto guuldaradii xilli ciyaareedkii hore ee 6/0 ahayd.
Markan ayaa ah markii 5-aad ee 9-kii xilli ciyaareed ee ugu dambeeyay ee ay Man City wajahayso chelsea iyaga oo ka hooseeya kala saraynta premier League, City ayaan badin 4-tii kulan ee ugu dambeeyay ee ay wajahday chelsea iyaga oo ka hooseeya kala saraynta.
Man City ayaa haatanba guuldaro la kulantay 3 jeer horyaalka premier League waana in hal kulan ka badan intii ay guuldaro la kulmeen xilli ciyaareedkii hore oo dhan.
Chelsea isha ku haysa in ay gaadho 8 guulood oo ay marti tahay tartamada oo dhan markii ugu horaysay ee taariikhdeeda.