Howlgal Ka Socda Boosaaso

1425


Ciidamada ilaaladda Canshuuraha ee dowlad Goboleedka Puntland ayaa Magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari ka wada howlgal lagu soo qabanayo Gaadiidka aan Canshuurneyn.

Howlgalkan ollolaha Canshuuraha waxaa hoggaaminaayay Maamulaha Canshuuraha Berriga Gobolka barri Yuusuf Maxamed Yuusuf, Taliyaha Ciidammada ilaalada G/Sare Maxamed Baari iyo Saraakiil kale.

Howlgalka ayaa waxaa lagu soo qabtay qaar kamid ah gaadiidleyda ka howlgala Magaalada Boosaaso, kuwaasi oo la sheegay in gaadiidkooda uusan Canshuurneyn.

Madaxda Wasaaradda Maaliyadda ayaa wada dadaalo dheeraad ah oo ku aadan kor u qaadida dakhliga si Maamulak Puntland u gudato waa jibaad keeda shaqo.

Wasiirka Maaliyadda Puntland Mudane Xasan Shire Cabdi ayaa horay u sheegay in Ollolaha soo qabashada gaadiidka aan Cashuurnayn kaasi oo laga hirgaliyay dhamaan Gobolada loona wado si joogto ah.

Maamulaha Canshuuraha Berriga Wasaaradda Maaliyadda ee Gobolka barri Yuusuf Maxamed Yuusuf ayaa u mahad celiyay dadka Cashuurtay gaadiidkooda kuwa aan wali Canshuurna ugu baaqay in ay Canshuurtaan gaadiidkooda.