Ilhaan Cumar oo qarxisay arrin Mareykanka xasaasi ka ah

1900

Ilhaan Omar waxa ay noqotay qofka kaliya ee ku dhiirratay kuna dhacday inay sheegto arrin ay aad uga baqaan dadka siyaasiyiinta ah kuwa Bilyanneerrada ah iyo weliba kuwa hoggaamiya diimaha.

Ilhaan ayaa waxa ay indhaha dadka Maraykan kusoo jeedisay in qarankooda si aan habboonayn looga masruufo Yuhuudda islamarkaana Israel ay danteeda dhexmarsato xildhibaanno lacago kasoo qaata ururka AIPAC (American Israel Public Affairs Committee) kaasi oo danaha Yuhuudda maraykanka uga fuliya.

Waa ayo AIPAC?

AIPAC waa urur aad u xoog badan una taagan ilaalinta iyo sarraynta dadka Yuhuudda ah iyaga oo kaashanaya Siyaasiyiinta,Bilyanneerada,Sharikadaha waaweyn ee loo yaqaanno (Multinational Companies-ka) iyo weliba qaabaynta aragtida shacabka maraykan (American Public oppininon) ee ku aaddan jiritaanka qaranka Yuhuudda iyo ilaalintiisa, taasi oo AIPAC ka dhigtay mid saameyn weyn ku leh jaangoynta siyaasadda maraykanka.

Ururkan ayaa waxa la aasaasay 1963-kii waxaana xaruntiisa u weyni ay tahay caasimadda dalka maraykan ee Washington, xubnaha ku jira ururkan ayaa lagu qiyaasaa in ka badan 100-kun oo xubnood, waana mid ka mida kooxaha ugu xooggan ee ka ololeeya gudaha maraynkanka (Lobbying groups).

AIPAC Ayaa waxa ay maalgalisaa siyaasiyiinta soo fuulaya jaranjarrada iyo fagaaraha siyaasadeed ee dalka maraykanka, xubnaha AIPAC si toosa uma siiyaan maalgalinta siyaasiga ay rabaan inay soo saaraan balse waxa ay u soo mariyaan Guddiga siyaasadda ee ururka (Political Action Committees), waxaana kooxdan lagu eedeeyaa in ay gacansaar dhaw la leeyihiin Xisbiga Jamhuuriga iyo Xisbiga (Likud-National Liberal Movement) oo ka dhisan Israel.

Kooxdani waxa ay aad uga hortagtaa siyaasiyiinta kusoo biiraya saaxadda siyaasadda Maraykan ee dhaawici kara danaha AIPAC iyaga oo u adeegsada saxaafadda iyo lacago toosa waxaana inta badan aynu aragnaa madaxweynayaasha maraykan oo Yuhuudda ugu adeegaya sida gobol ka tirsan maraykanka maadaama ay aad usoo caawiyaan xilliyada doorashada , waxaana ay siyaasiyiinta waaweyn ee Maraykanku ku tilmaamaamaan in Yuhuudda ay isku qoys yihiin.

Siyaasiyiinta isku daya in ay kasoo horjeestaan ama dhaliilaan qaabka AIPAC ugu shaqaysato qaranka Maraykan ayaa waxa ay ka baqdaan dib udhac iyo ceebo hor leh waxaana adag in ay wax ka sheegaan ama soo hadal qaadaan AIPAC iyo arrimaheeda.

Ilhaan Cumar iyo AIPAC

Haddaba Ilhaan Cumar oo ah gabadh Soomaaliyad ah islamarkaana qaxoontinnimo ku gashay dalka maraykanka haatanna ah xildhibaan aqalka Congress-ka ah ayaa waxa ay qarxisay arrin siyaasiyiin badani ka baqanayeen sheegitaankiisa balse laabahooda ku jiray, iyada oo carrabka ku dhufatay marar badan in qaranka maraykanku aanu ahayn meel laga naasnuujiyo waddamo gaar ah.

Ilhaan Cumar ayaa waxa ay weerarro joogta ah kala kulantay hoggaamiyaha ugu sarreeya dalka Maraykanka Donald Trump kaasi oo Yuhuudda ugu adeega sida gobol ka tirsan Maraykanka, waxaana uu Ilhaan ku tilmaamay mid ay ka buuxdo Yuhuud nacayb waxaana uu yidhi “Ilhan Cumaar hadalkii ay tidhi waa mid aad u xun, waana inay iska casishaa aqalka Congress-ka ama ugu yaraan ay ka baxdaa xubinnimada guddiga arrimaha dibadda ee aqalka Congress-ka”.

Inkasta oo ay weerarro iyo cambaarayn kala kulantay xildhibaanno u badan xisbiga Jamhuuriga iyo qaar kamida saxaafadda waddankaasi balse haddana waxa ay taageero ka heshay dadka haysta diinta asalka ah ee yuhuudda (Judaism) iyo shacab badan oo arrintaas kasoo horjeeday.

Shirkii sannadlaha ahaa ee AIPAC oo socday 24-kii illaa 26-kii bishan aynu ku jirno ayna kasoo qeyb galeen madax iyo xildhibaanno maraykan ah iyo weliba siyaasiyiin Yuhuud ah ayaa waxa aad loogu weeraray xildhibaanad Ilhaan Cumar waxaana lagu tilmaamay in ay tahay mid nacayb ba’an u qabta dadka Yuhuudda ah islamarkaana ay habboontahay in laga saaro siyaasadda Maraykanka, waxaana dadkaa ka mid ahaa madaxweyne ku xigeenka Maraykanka Mike Pence kaasi oo sheegay in Ilhaan ay shacabka maraykan kula dhex jirto kala qeybin iyo kala sooc islamarkaana aanu Maraykanku Yuhuudda nici doonin, sidoo kale intii uu socday shirka AIPAC waxa la arkayay buugaag yar yar oo lagu dhex iibinayay shirka kuwaasi oo lagu aflagaaddaynayay Ilhaan Cumar diinteeda, dharkeeda iyo shakhsiyaddeeda waxaana soo daabacay siyaasiyiin caan ah.

Arrinta ugu hadal haynta badan usbuucyadii ugu dambeeyay fagaarayaasha siyaasadda Maraykan ayaa ahayd weerar joogto ah oo kooxda AIPAC iyo madaxda Jamhuurigu ay ku hayaan xildhibaanad Ilhaan Cumar, waxaana kooxda AIPAC halbeegga ama qofka ay target-garayn doonaan sannadkan ka dhigteen Ilhaan Cumar si ay uga takhallusaan ugana saaraan aqalka sare iyo siyaasadda Maraykanka maadaama ay u arkeen in danta Yuhuudda ay cadaw ku tahay.

Ilhaan cumar ayaa waxa la xasuustaa in mar twitterkeeda ay kusoo qortay in Ilaahay ummadda tusiyo dhibka ay Israel ku hayso Falastiiniyiinta, waxaana ay caddaynayaan hadalladeedaasi in ay aad uga soo horjeeddo tacaddiyada Yuhuuddu ay ku hayso Falastiiniyiinta.

Ugu dambayntii dhiirranaanta iyo geesinnimada ay sameysay Ilhaan Cumar kuna sheegtay in aan qaranka Maraykanku ahayn meel laga masruufo waddamo gaar ah iyada oo ula jeedda Israel ayaa noqonaysa gantaalkii ugu weynaa ee muddo lagu dhufto danaha qaranka Israel, waxaana laga yaabaa in ay dhabbo cusub u jeexdo siyaasiyiin kale oo la aragti ah iyada balse ku dhici la’aa inay fagaare ka sheegaan taasi oo dhaawac u geysan karta danaha qaranka Yuhuuddu ka leeyahay maraykanka.

W/Q: Muxiyadin Maxamud Xuseen
Email: Masxaf44@gmail.com

 

HALKAN KA AQRI SHEEKADAN