Inter Milan Mise Juventus? Antonio Cassano Oo Saadaaliyay Kooxda Ku Guulaysan Doonta Horyaalka Serie A-da Xilli Ciyaareedkan.

1777

Xiddigii hore ee kooxda Roma ee Antonio Cassano ayaa saadaaliyay in ay kooxda Inter Milan xilli ciyaareedkan Juventus ku garaaci doonto hanashada horyaalka Serie A-da.

Kooxda Juventus ayaa 8-dii xilli ciyaareed ee ugu dambeeyay si xidhiidh ah ugu guulaystay tartanka Serie A-da.

Isla kooxda Juventus ayaa hogaaminaysa horyaalka Serie A-da xilli ciyaareedkan iyaga oo hal dhibic ka horeeya kooxda Inter Milan kadib 13 kulan oo la ciyaaray xili ciyaareedkan.

Antonio Cassano Oo la hadlaya wargayska La Repubblica ayaa yidhi” Kooxda ugu cad-cad Ku Guulaysiga Horyaalka Serie A-da? Waa Inter Milan”.

“Inter Milan waxa ay i xasuusinaysaa sanadkii ugu horeeyay ee uu Antonio Conte tababaraha u noqday Juventus, waxa aan joogay Ac Milan waxana aan horyaalka u waynay Juventus”.

“Hadii ay Juventus dhibco lumiso kulamada soo socda xilli ay Inter Milan sii wado guulaha, Conte waxa uu xilli ciyaareedka ku dhamaysan doonaa ku guulaysiga horyaalka”.