”Laba Arin Ayaa U Sabab Aheyd In Aan Champion-ka Ku Guuleysanno”

1636

Mohamed Salah ayaa waayay kalmado uu ku hado kadib makrii uu ugu dambayn gacanta ku dhigay koobka champions League xilli ciyaareedkan.

Xiddiga reer Masar ayaa dhibaaxo la kulmay xilli ciyaareedkii hore markii uu dhaawac uga baxay Finalkii champions League laakiin ugu dambayn ku guulaystay koobka waliba goolasha ku furay daqiiqadihii ugu horeeyay.

Mohamed Salah ayaa dhaliyay rikoodhe labadii daqiiqo ee ugu horeeyay xilli ay Real Madrid 2/0 ku garaacday kooxda Tottenham.

Kadib mid ahaa habeenkii ugu dambeeyay xirfadiisa ciyaareed ilaa haatan Salah ayaa amaanay dadaalka kooxda Liverpool.

Mohamed Salah ayaa sheegay laba sababood oo uu ku guulaysigii champions League xilli ciyaareedkan khaas ugu ahaa isaga

“Run ahaantii ma garanayo wax aan idhaahdo haatan”ayuu Salah u sheegay BT Sport.

“In aan ku guulaysto Final, run ahaantii aad ayaan u faraxsanahay in aan dhamaystay finalkii 2-aad ugu dambayn”.

“In Aad Ahaato Masri waliba ku ciyaaraya heerka ugu sareeya waa wax aan la rumaysan karin aad ayaan ugu faraxsanahay”.

“Qof walba waxa uu qabtay shaqadoodii ugu fiicnayd ciyaarta waxana aan u malaynayaa in ayna jirin qaab ciyaareed shaqsi ah oo fiican laakiin kooxda oo dhan ayaa cajiib ahayd”.