Inter Milan Oo Dalab Rasmi Ah Ka Gudbisay Romelu Lukaku

1747

Kooxda Inter Milan ayaa lagu soo waramayaa in ay dalab Rasmi ah oo cusub ka gudbisay saxiixa xiddiga weerarka uga ciyaara kooxda Man United ee Romelu Lukaku sida ay sheegayaan wararka ka imanaya dalka Italy.

Intr Milan ayaa miiska saartay dalab lacageed oo dhan 70 Milyan oo euro oo ay ku doonayso weeraryahanka Romelu Lukaku kaas oo ay u kala bixin doonto lacagta ilaa xagaaga 2021.

Agaasimaha Inter Milan ee Piero Ausilio ayaa u duulay England si uu Man United si Rasmi ah oo toos ah wadahadalo ula qaato kuna aadan xiddiga reer Belguim.

Shabakada Sky Sport qaybteeda Italy ayaa sheegaysa in ay kooxda Inter Milan miiska saartay dalab amaah ah oo 2 sano ah oo ay si toos ah ugula wareegi karto xiddiga lacag dhan 70 Milyan oo euro oo 3 sano la kala bixin doono.

Kooxda ayaa ugu horayn Bixin doonta lacag dhan 10 Milyan oo euro kadib 30 milyan bixin doonta xagaaga 2020 halka ay 30 milyan oo kale bixin doonto xagaaga 2021.

Waxa la sugi doonaa in ay Man United aqbasho dalabkaas iyo in ay soo diido oo ay doonayso in ay lacagta halka hore ka hesho.

Lukaku ayaa si cad ugu sheegay Man United in uu doonayo in uu ku biiro kooxda Inter Milan inta lagu jiro suuqa kala iibsiga xagaagan.