Jabhada TPLF oo magaalo hor leh la wareegtay

1377

Jabhada TPLF ayaa wali wada howlgalo ay dib ugula wareegayaan magaalooyin iyo deegaano badan oo looga qabsaday dagaalkii ay la galeen ciidamada federaalka Itoobiya iyo Ciidamada garab siinaya ee Eritrea.

Ciidamada taabacsan TPLF ayaa si buuxda ula wareegay gacan ku heynta caasimada gobolka Tigrey ee Mekelle , waxa ayna kooxda sii wadaa hada in ay qabsadaan magaalooyin kale oo gacantooda horey uga baxay.

Jabhada TPLF ayaa saacadihii lasoo dhaafay la wareegtay  magaalada Shire, oo qiyaastii 140km u jirta waqooyi-galbeed, waxaana magaaladan horey u joogay oo isaga baxay ciidamo katirsan dowlada Eritrea.

Ciidamada federaalka Itoobiya iyo ciidamada Eritrea ayaa hada u muuqda kuwa ka niyad jabay kasii dagaalanka gobolka Tigrey, waxa ayna ciidamada baneeyeen magaalooyin iyo deegaano ay horey dagaal kula wareegeen.

Jabhada TPLF ayaa ku hanjabtay in awood kula wareegeyso deegaanada gacantooda ka maqan, waxa ayna saraakiisha hogaamineysa kooxdaasi shacab ka Tigrey ka dalbadeen taageero si mar kale talada gobolkaasi ula wareegaan.