Jabuuti oo jawaabtay Muuse Biixi

74

Madaxweynaha maamulka Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa ku eedeeyay dowladda Jabuuti, in dalkeeda kusoo dhaweysay xubno katirsan jabhad kasoo horjeeda jiritaanka maamulka uu hoggaamiyo.

Dowladda Jabuuti ayaana si adag uga jawaabtay eedeyntan culus ee uga timid Madaxweynaha Somaliland, waxa ayna sheegtay Jabuuti in eedeyntaasi tahay mid aysan waxba ka jirin oo been abuur ah.

Wasiirka Maaliyadda ee dalka Jabbuuti Ilyaas Muuse Dawaaleh, ayaa qoraal uu soo dhigay barta X ku sheegay in ay ka xun yihiin eedaha beenta ah ee aan waxba ka jirin ee uga yimid maamulka Somaliland.

Waxa uu sheegay Wasiir Ilyaas in dalka Jabuuti ee beri ka tahay eedeynta loo jeediyay, waxa uuna xusay in Jabuuti tahay meel wada jir iyo is-dhexgalka gobolka u taagan, kana shaqeysa xasilloonida gobolka iyo nabad kuwada noolaanshaha.

Wasiirka Maaliyadda dalka Jabuuti ayaana eedeyntan cusub ee uga timid maamulka Somaliland ku tilmaamay in ay lamid tahay , midii horey loogu eedeeyay ee ahaa in Somaliland ku taageereysay dagaalkii Laascaanood.