Jose Mourinho Oo Digniin Tartanka Premier League Ah U Diray Man City & Liverpool

1742

Tababaraha cusub ee kooxda Tottenham Jose Mourinho ayaa balan qaaday in uu Tottenham ka dhigi doono koox Liverpool & Man City kula tartanta horyaalka premier league xilli ciyaareedka dambe.

Tababare 56 jirka ah ayaa doonaya in uu xilli ciyaareedkan Tottenhma ka caawiyo in ay ku dhamaysato kaalmaha ugu sareeya premier League kana qayb gasho champions League xilli ciyaareedkiisa dambe.

kooxaha Liverpool & Man City ayaa labadii xilli ciyaareed ee ugu dambeeyay ku tartamayay horyaalka iyada oo la filayo in ayna waxba iska badalin arintaas xilli ciyaareedka dambe.

Laakiin Jose Mourinho ayaa labada kooxood uga digay in ay Tottenham xilli ciyaareedka dambe kula tartami doonto horyaalka.

Mourinho oo arintaas ka hadlaya ayaa yidhi”Xilli Ciyaareedkan kuma guulaysan karno horyaalka premier League”.

“Laakiin waan awoodnaa in kasta oo aanan sheegayn in aan ku guulaysan doono laakiin waan ku guulaysan karnaa xilli ciyaareedka dambe”.

Jose Mourinho ayaa doonaya in uu kooxda Tottenham ku hogaamiyo koobab ayna ku guulaysan tan ilaa sanadkii 2008 markaas oo ahayd markii ugu dambaysay ee ay Spurs ku guulaystay wax koob ah.