Jose Mourinho Oo Ka Soo Dukaameysanaya Juventus ,Qad Dhexe Ayuu Ka Doonayaa

1672

Macalinka cusub Tottenham ee Mourinho ayaa isha ku haya dalab uu ka geeyo qadka dhexe Juventus ee Adrien Rabiot.

Laacibkaas 24 sano jirka ah ayaa Juve xagaagii ugu yimid qaab xor ka dib markii uu soo diiday hishiis cusub oo uu u saxiixo PSG .

Laacibkaas oo ay dhowr koox Ingiriis ah baacsanayaan ayaa hishiiskiisa Juve waxa uu dhacayaa xagaaga 2023-ka .

Wiilkaas reer France ayaa ku jahwareersan Juve waxa uuna fadhiyaa keydka iyadoo xilli ciyaareedkaan kaliya uu ciyaaray 90 daqiiqo ka dib 12 kullan oo laga ciyaaray horyaalka Italy .

Calciomercato ayaa sheegeysa in qadkaas dhexe haatan uu ka fikirayo in uu dalbado bixtaan , waxa ayan Tottenham dooneysaa in January ka geeyaan dalab rasmi ah

Lama helin qiimaha Tottenham damacsan tahay in ay ka geeyaan xiddigaas hore PSG ee Rabiot oo ay arkaan baelka Erikson kaasi oo laga yaabo in uu baxo .