Jubbaland oo xiriirka ujratay Dowlada federaalka

1753

Golaha Wasiirada maamulka Jubbaland oo maanta kulan ku yeeshay magaalada Kismaayo ayaa u codeeyay in la hakiyo xiriirkii ka dhaxeeyay dowlada federaalka iyo maamul goboleedka Jubbaland.

Kulanka ay yeesheen Golaha Wasiirada Jubbaland ayaa waxaa gudoominayay Madaxweynaha maamulkaasi Axmed Madoobe , waxaana kulanka diirada lagu saaray faragalin ay sheegtay Jubbaland in ay kala kulmeyso dowlada federaalka.

Golaha Wasiirada maamulka Jubbaland ayaa isku raacay in la hakiyo maanta laga bilaabo wada shaqaynta iyo isku socodka Xukuumada Federaalka Soomaaliya iyo maamulka Jubbaland.

Dhinaca kale Qoraal kasoo baxay maamulka Jubbaland ayaa looga jawaabay Qoraalkii shalay kasoo baxay Wasaarada Arimaha gudaha Soomaaliya ee looga hor yimid Odayaasha soo xulaya Xildhibaanada Jubbaland.

Jubbaland ayaa dowlada federaalka Soomaaliya ku eedeesay in ay faragalin ku heyso doorashada, waxa ayna Beesha Caalamka ugu baaqday Jubbaland in ay la socdaan faragalinta dowlada federaalka ku heyso doorashada Jubbaland.

Halkan ka Akhriso Qoraalka Jubbaland