Jurgen Klopp Oo Ka Warbixiyay Xaalada Dhaawac Ee Salah, Robertson & Gomez Ka Hor Kulanka Crystal Palace

1683

Tababaraha Kooxda Liverpool ee Jurgen Klopp ayaa ka warbixiyay xaalada dhaawac ee xiddigaha kooxdiisa ee Mohamed Salah, Andy Robertson Iyo Joe Gomez ka hor kulanka ay sabtida la ciyaari doonaan Crystal Palace.

Xiddigaha Mohamed Salah iyo Andy Robertson ayaa dhaawac ku seegay waajibaadka xulka qaramadooda fasaxii xulalka halka uu Jome Gomez ku dhaawacmay waajibaadka xulka qarankiisa.

Inkasta oo ay 3-da xiddigba ka qayb qaateen tabaabrkii shalay hadana tababare Jurgen Klopp ayaa wax laga waydiiyay xaalada 3-da xiddig ka hor kulanka Crystal Palace ee sabtida.

Klopp oo ka hadlaya xaalada guud ee xiddigaha kooxdiisa ayaa yidhi” Virgil 100% waa diyaar laakiin xiddigaha kale ma odhan karo 100% waa sidaas (Salah, Robertson, Matip), Fabinho, Bobby, Alisson, Gini waxa ay ciyaareen Salaasadii waxa aan eegi doonaa sida ay uga fal celiyaan tababarkii shalay laakiin ma jirto ci dhaawac la soo laabatay oo cusub”.

“Salah shalay ayuu tababarka qaatay waxana aan eegi doonaa sida uu tababarka maanta u qaato kadib ayaan go,aan qaadan doonaa”.