Jurgen Klopp oo loo magacaabay tababaraha ugu fiican premier League

1778

Tababaraha Kooxda Liverpool ee Jurgen Klopp ayaa loo magacaabay tababaraha ugu fiican premier League xilli ciyaareedka 2019/2020.

Tababaraha Liverpool ayaa Reds ku hogaamiyay ku guulaysiga koobka premier League markii ugu horaysay muddo 30 sano ah iyaga oo horyaalka ku qaaday 99 dhibcood 18 dhibcoodn ka horeeyay kooxda ugu dhaw.

Tababare Klopp ayaa kooxdiisa ku hogaamiyay guul 32 kulan oo ka mid ah 38-kii kulan ee ay ciyaartay xilli ciyaareedka.

Klopp ayaa abaalmarinta ku garaacay 3 tababare oo kale kuwaas oo kula tartamayay abaalmarinta tababarhaa ugu fiican xilli ciyaareedka.

Tababarayaasha Frank Lampard (Chelsea), Brendan Rodgers (Leicester City) & Chris Wilder (Sheffield United) ayaa ah tababarayaasha uu Klopp ku garaacay abaalmarinta.