Kaamirada CCTV oo laga helay sida loodilay Eng Yariisoow

1535

Xog lagu kalsoonaan karo oo aan ka helnay dhinacyo kala duwan ayaa sheegaya in inta badan la soo gabagabeeyay baaritaankii qaraxii Xarunta Gobolka Banaadir ka dhacay 24-kii bishii July, kaasoo ay ku dhinteen 10 ruux oo uu ku jiro Guddoomiyihii Gobolka Banaadir iyo ahaana Duqa magaalada Muqdisho C/raxmaan Cumar Cusmaan Yariisow.

Baaritaankan ayaa la sheegay inuu socday labadii todobaad ee u dambeeyay, iyadoo ay wadeen Hey’addaha Amniga dowladda sida Booliska iyo Nabadsugida, iyadoo sidoo kale ay jireen gacan saddexaad oo baaritaanka ku lug lahaa.

Wararka qaar ayaa sheegaya in baaritaanka hordhiciisa lala wadaagay qoyska Allaha u naxariistee Guddoomiye Yariisow, isla markaana xalay ay la kulmeen xubno ka mid ah Guddiga waday baaritaanka oo warbixin ka siiyay sida wax u dhaceen, lagana dalbaday qoyska inay wixii su’aalo ka weydiin karaan Guddiga.

Sidoo kale waxaa la sheegay in weerarka ka dhacay Xarunta Gobolka Banaadir ay ka dambeysay gabar araga la’ oo lagu magacaabayay Basiiro Cabdi Maxamed oo fulisay weerarka is qarxinta, kuna magacawneyd Xiriiriyaha dadka baahiyaha gaarka qaba ee Gobolka Banaadir, iyadoo lagu raad-joogo haweeney kale oo caawin jirtay, lana rumeysan yahay inay qeyb weyn ku laheyd qaraxa Xarunta Gobolka Banaadir.

Waxaa kaloo la sheegayaa inay xiran yihiin dad ku dhow 10 ruux oo weli baaritaan lagu haayo.

Wararka ay heleyso warbaahinta Wardoon.net ayaa sheegaysa in natiijada kama dambeysta baaritaanka lala wadaagay Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha, lana filayo in maalmaha soo socda la soo bandhigo, iyadoo ay wehlin doonaan caddeymo kala duwan sida muuqaalada CCTV ee ay laheyd Xarunta oo ay heyaddaha amnigu la wareegeen markii uu qaraxa ka dhacay xarunta.

Si kastaba ha ahaatee maalinta jimcaha ayaa la filayaa in la soo gabagabeeyo Tacsida Guddoomiyihii Gobolka Banaadir ahaana Duqa Muqdisho, iyadoo lagu wado in Munaasabadda baroor diiqda ah lagu qabto Garoonka Banaadir Stadium ee degmada C/casiis, halkaasoo si rasmi ah loogu magac dari doono Eng. Yariisow.