Kadib Kulan Xiiso Leh Kooxda Man United Oo Bar-Baro La Gashay Sheffield United

1701

kadib kulan xiiso lahaa kooxda Man United ayaa bar-baro la gashay kooxda Sheffield United kulanay Red Devils qaybtii dambe soo bandhigtay qaab ciyaareed wareer ah.

Man United ayaa kulanka ku bilaabatay si aad ah u Xun iyaga oo gabi ahaan u muuqday kuwo fasax ku jira oo aan ugu soo tala galin ay ciyaaraan.

Kooxda Sheffield United oo xilli ciyaareedkan kooxaha waaweyn laf dhuun gashay ku noqotay ayaa qaadaysay weeraro halis galiyay kooxda Man United.

Kooxda Man United ayaa xitaa kaliya hla laad oo kaliya ku laagtay goolkooxda kooxda Sheffield United qaybii hore ee ciyaarta taas oo muujinaysa sidii ay ugu dhibaatootay ciyaarta qaybtii hore.

Daqiiqadii 19-aad ayay Man United dhalisay goolka 1-aad iyaga oo uu u dhaliyay xiddiga John Fleck kaas oo kooxdiisa hogaanka u dhiibay.

Labada Kooxood ayaa sameeyay fursado laakiin waxa ay gool u badali waayeen fursadaha iyaga oo qaybtii hore ciyaarta ku kala baxay 1/0 ay Sheffield United Ku hogaaminaysay.

Qaybtii dambe ee ciyaarta ayay kooxda Sheffield United ku bilaabatay si dar-dar leh iyaga oo raadinayay in ay ciyaarta dilaan si ayna Man United ugu soo laaban ciyaarta.

Daqiiqadii 52-aad ayay Kooxda Sheffield United sii dheeraystay ciyaarta iyaga oo uu goolka u dhaliyay xiddiga Lys Mousset kaas oo hogaanka u sii dheereeyay kooxdiisa kana dhigay 2/0.

Laakiin goolkaas ayaad mooday in uu Man United hurdada ka kiciyay iyaga oo la wareegay maamulka kooxda sidoo kale qaadayay weeraro aan kala joogsi lahayn.

Daqiiqadii 72-aad ayay kooxda Man United dhalisay goolka 1-aad ee ciyaarta iyaga oo uu goolka u dhaliyay da,yarka Brandon Williams kaas oo ciyaarta ka dhigay 2/1 oo ay United ugu soo laabatay.

Man United oo gabi ahaan qaybtii dambe ku soo gashay iyada oo koox kale ah ayaa sii waday weerarada ay qaadaysay ee ay ku raadinaysay goolasha.

Daqiiqadii 77-aad ayay dhalisay goolka 2-aad ee ciyaarta iyaga oo uu u dhaliyay da,yarka Mason Greenwood kaas oo ciyaarta ka dhigay bar-baro 2/2 ah.

Red Devils ayaan halkaas ku joogsan waxa ay daqiiqadii 79-aad dhalisay goolka 3-aad ee ciyaarta iyaga oo uu markan u dhaliyay Marcus Rashford kaas oo ciyaarta ka dhigay 3/2 ay Man United si lama filaan ah ugu soo laabatay ciyaarta.

Si kasta ha ahaatee Man United ayaa xejisan kari wayday goolka iyada oo kooxda Sheffield United dhalisay goolka 3-aad ee bar-baraha iyaga oo uu u dhaliyay xiddiga  Oliver McBurnie kaas oo ciyaarta ka dhigay 3/3.

Waxa sidaas ku dhamaatay ciyaar waali ah oo ay la kala dhaliyay 6 gool labada kooxood ee Sheffield United Iyo Man Unted-na ku kala bexeen bar-baro.