DAAWO:-Khaatumo oo loo aqoonsaday maamul ka tirsan Dowladda Federaalka

33

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ku dhawaaqday in maamulka SSC-Khaatumo uu yahay maamul la mid ah maamullada kale ee xubnaha ka ah Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre, oo ka hadlay madal soo dhaweyn ah oo habeenimadii Axadda loogu qabtay magaalada Laascaanood, ayaa sheegay in SSC-Khaatumo ay tahay maamul rasmi ah oo ka tirsan dowladda dhexe.

Ra’iisal Wasaaruhu wuxuu ganafka ku dhuftay sheegashada Puntland iyo Somaliland ee ku saabsan deegaankaasi, isaga oo sheegay in dhulka SSC-Khaatumo aanu ahayn mid lagu muransan yahay.

“Waxaan cod dheer ku sheegayaa in SSC-Khaatumo ay tahay deegaan iyo maamul Soomaaliyeed oo ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya, mana aha meel lagu muransan yahay,” ayuu yidhi Ra’iisal Wasaare Xamse.

Ra’iisal Wasaaraha oo u duur xulay Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo madaxdii hore, ayaa sheegay in ay ku dhiiran waayeen inay si cad u aqoonsadaan SSC-Khaatumo, balse isagu uu si buuxda ugu dhiirraday in loo aqoonsado maamul rasmi ah.

Tallaabadan uu qaaday Ra’iisal Wasaare Xamse ayaa maamulka SSC-Khaatumo uga dhigan guul weyn oo siyaasadeed, iyadoo sida uu Xamse sheegay uu maamulkaasi ka mid noqon doono qorsheyaasha horumarineed isla markaana uu qeybtiisa ka heli doono dhaqaalaha dowladda dhexe.

Ra’iisal Wasaaraha ayaa shalay magaalada Laascaanood ka dhagax dhigay mashaariic horumarineed oo isugu jira dhismayaal dowladeed, xarumo booliis iyo kuwo waxbarasho.

Inkasta oo dadka deegaanku ay soo dhaweeyeen aqoonsiga dowladda dhexe, haddana waxa jira doodo la xidhiidha in SSC-Khaatumo ay buuxisay shuruudihii maamul-goboleednimo iyo in kale, iyadoo dadka qaar ku doodayaan in aqoonsiga Khaatumo uu horseedi karo in maamuladii hore u jiray ay furfurmaan.

Somaliland, oo sannadkii 2023 lumisay gacan-ku-hayntii Laascaanood balse weli aaminsan inay tahay qayb ka mid ah dhulkeeda, ayaa socdaalka Ra’iisal Wasaaraha ku tilmaantay “faragelin qaawan” oo ka dhan ah madaxbannaanideeda.