Khayre oo goordhaw kabaxay Muqdisho+SAWIRRO

2183

Xasan Cali Khayre oo bishii tagtay shaaciyay inuu u ordayo xilka madaxtinimada dalka, ayaa maanta safarkii ugu horreeyay dalka ugu baxay wixii ka dambeeyay markii uu baneeyay xafiiska wasiirka koowaad muda laga joogo laba bilood iyo maalmo.

Khayre oo ay safarkiisa ku wehliyaan xubna kamid ah mas’uuliyiinta kala shaqeyneysa ololaha uu ugu jiro hanashada xilka madaxtinimada dalka, ayaa ku wajahan dalka Jabuuti oo noqonaya dalkii ugu horreeyay ee Khayre oo aan Ra’iisul Wasaare aheyn uu tago laga soo billaabo bishii February 2017. Xasan Khayre ayaa la kulmaya Madaxda sare ee dalka Jabuuti.

Socdaalka Khayre ayaa qeyb ka ah qorshaha dardar gelinta dadaalka uu ku doonayo inuu xafiiska dalka ugu sarreeya uga bedelo Madaxweyne Farmaajo oo mudda sedax sano iyo bar ah ay wadashaqeynayeen hase yeeshee ugu dambeyn ay ku kala tageen danahooda siyaasiga ah oo is-diiyay iyo hannaanka iyo waqtiga doorasha qaranka.

Villa Soomaaliya ayaa Xasan Khayre u aragta musharaxa kaliya ee khatarta ku ah qorshaha dib u doorashada madaxweynaha talada haya, Maxamed cabdullaahi Maxamed (Farmaajo), waxaana wararku sheegayaan inay si gaar ah isha ugu heyn doonaan dhaqdhaqaaqyada siyaasiga ah ee maanta uga billaabmaya dalka dibaddiisa.