Koonfur Galbeed oo Baarlamaan cusub yeelaneysa

1620

Magaalada Baydhabo iyo qeybo ka mid ah deegaannada maamulka Koonfur Galbeed waxaa ka soconaya kulamo looga arinsanayo soo xulista xildhibaannada cusub ee Baarlamaanka maamul gobolleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Guddi uu dhawaan magacaabay madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed ayaa kulamo kala duwan la qaadanaya waxgaradka iyo odayaasha maamulka iyo qeybaha kala duwan ee bulshada rayidka oo ay kala tashanayaan qorshaha soo xulista xildhibaannada cusub.

Guddoomiyaha Guddiga xulista Baarlamaanka Koonfur Galbeed Maxamed Keerow ayaa sheegay in guddiga ay u kala qeybiyeen Saddex qeybood oo kala ah,Xubno qabilsan xalinta khilaafaadka,Xubno qaabilsan dhinaca Maaliyadda iyo fududeynta wixii loo baahdo iyo kuwo diyaarinaya Xubnaha la soo xulayo,isla markaana ay diiwaan gelinayaan.

Horaanta Bisha Maarso ee sanadkaan 2020 ayaa la filayaa in la soo geba-gabeeyo howlaha xulista Baarlamaanka koonfur Galbeed,iyada oo Magaalada Baydhabo iyo deegaannada kale ee xorta ah ay ka socdaan kulamo ku saabsan xulista Baarlamaanka labaad ee Koonfur Galbeed.