Qarax gaari oo goordhaw ka dhacay Muqdisho

1635

Waxaa goordhaw qarax nuuca gaadiidka hoosta looga soo xiro uu ka dhacay agagaarka isgooska Xoosh ee Degmada Dharkeenley, waxaana dhawaqa qaraxan aad looga maqlay xaafado ku dhaw dhaw halka uu ka dhacay.

Sida aan wararka ku helnay gaari yar oo nuuca raaxada ah ayaa ku qarxay agagaarka Isgooska Xoosh, waxaana gaariga la sheegay xiliga uu qarxayay in uu wadada maray.

Ciidamada amaanka ayaa si deg deg ah u gaaray goobta uu qaraxu ka dhacay, lamana oga ilaa hada cida wadatay gaariga qaraxa lagu soo xiray iyo khasaaraha kasoo gaaray qaraxaasi.

Qaraxyada gawaarida lagu soo xiro ayaa xiliyada qaar ka dhaca magaalada Muqdisho, qaraxyadan ayaana khasaaro inta badan waxa uu kasoo gaaraa wadaha gaariga qaraxa hoosta looga soo xiro.