Koonfur Galbeed oo soo afjartay raggii soo weeraray Baydhaba.

16

Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya faah-faahin dheeraad ah ka bixiyay dagaalkii saaka ka dhacay magaalada Baydhaba ee xrunta gobolka Baay, kadib markii ay soo weerareen ciidamada taabacsan Cabdicasiis Lafta-gareen ee ku sugan bannaanka magaaladaasi.

Warsaxaafadeed kasoo baxay Koonfur Galbeed ayaa waxaa lagu sheegay in ciidamada amniga ay soo afjareen xubno ay ku tilmaameen Khawaarij, kuwaas oo weerar kusoo qaaday Baydhaba oo ah xarunta KMG ah ee maamulka.

Sidoo kale, Koonfur Galbeed ayaa shaaca ka qaaday in ay bandhigi doonto meydadka xubnaha la dilay iyo guud ahaan khasaaraha ka dhashay weerarka saaka oo saacado badan qaatay.

“Guud ahaaan waxaa lasoo afjaray Khawaarijtii saaakay weerarka ku soo qaaday magaalada Baydhaba, waxaana goordhow lasoo bandhigi doonaaa maydadkoooda,” ayaa lagu yiri qoraal lagu daabacay bogga Telefishinka Koonfur Galbeed.

Waxaa kale oo farriin loo diray shacabka oo loogu baaqay inay is-dajiyaan, lana shaqeeyaan ciidamada ammaanka ee howlgalka ka wada magaalada.

“Waxaa shacabka loogu baaqayaa inay is dejiyaan, lana shaqeeyaaan laamaha amniga ee ku howlan sifeenta haraadiga Khawaarijta soo weerartay magaalada Baydhaba,” ayaa mar kae lagu yiri warsaxaafadeedka.

Dhinaca kale, waxaa lasoo warinayaa in dagaalkan uu sababay khasaare dhimasho iyo dhaawacba leh oo soo kala gaaray labada dhinac, waxaana dadka dhaawacmay kamid ah taliyaha guutada 8-aad e qaybta 60-aad ee Xoogga Dalka Jeneraa Isaq Cabdulle oo xaaladdiisa caafimaad lala tacaalayo.

Si kastaba, ha’ahaatee, Xaaladda Baydhaba ayaa hadda deggan, inkastoo weli xaafadaha qaar lag arkayo ciidamo dheeraad ah oo roono ka wada halkaasi.