Kooxaha Ilaa Haatan usoogudbay 8 Dhamaadka Champions League

1568

Saacado yar ayaa ka dhiman dhamaadka wareega 16-ka champions League xilli ciyaareedkan waxana la ogaan doonaa 8-da kooxood ee iska xaadiriyay wareega xiga ee tartanka champions league.

Waxa tartanka ka hadhay kooxo waaweyn oo magac ku leh yurub kana mid yihiin kooxaha Barcelona iyo Juventus oo ka hadhay tartanka champions League.

Waxa la filaaya in isku aadka wareega 8 dhamaadka champions league la sameeyo Jimcaha 19 bishan March iyada oo la samayn doono isku aadka 2 duhurnimo.

Waxa wareega 8 dhamaadka ilaa haatan iska xaadiriyay 6 kooxood waxana la sugayaa 2 kooxood oo soo bixi doona kulamada caawa ee champions League.

Kooxaha ilaa haatan iska xaadiriyay wareega 8 dhamaadka champions league ayaa ah 6 kooxood kuwaas oo haatanba booskooda xaqiiqsaday haatana sugaya isku aadka.

Halkan Hoose Kaga Bogo liiska xiddigaha kooxaha ilaa haatan iska xaadiriyay 8 dhamaadka:

  1. Real Madrid
  2. Fc Porto
  3. Borussia Dortmund
  4. Man City
  5. Liverpool
  6. PSG