Kyle Walker Oo Kashifay Halka Wado Ee Man City Ku Soo Qaban Karto Liverpool Tartanka Horyaalka.

1718

Xiddiga daafaca uga ciyaara kooxda Man City ee Kyle Walker ayaa sheegay in ay kooxda Man City u baahantahay in ay guul gaadho 14 kulan oo xidhiidh ah horyaalka premier League hadii ay doonayso in ay Liverpool ku garaacdo horyaalka premier League xilli ciyaareedkan.

Man City ayaa lumisay 2 dhibcood kulankii 2/2 ahaa ee ay la gashay Newcastle kana tirsanaa horyaalka premier League ee dhacay sabtidii.

Kadib markii ay Liverpool 11 dhibcood ka hor martay Man City Kyle Walker ayaa sheegay in ayna Man City soo bandhigin qaab ciyaareed fiican waliba kooxda Jurgen Klopp u qalmaan in ay ku jiraan kaalinta 1-aad.

“Kooxaha Naga Soo Hor Jeeda ayaa doonaya in ay mar walba dhibco naga qaataan, kooxaha naga soo hor jeeda ayaa mar walba sii fiicnaanaya”.

“Wali waxa aan Nahay kooxdii hore, Is badal yar ayaa nagu yimid waxana aan la qabsanaynaa sidii aan ula dhaqmi lahayn tartanka cusub, laakiin kooxda Liverpool Amaan Ayay Mudan yihiin”.

“Waxa ay ahaayeen kuwo cajiib ah waana in loo qiro amaantooda way u qalmaan in ay kaalinta 1-aad ku jiraan laakiin wali tartanku ma dhamaan”.

“Waxa aan leenahay awood aan ku soo qabano koox walba waa in aan kulan walba sidiisa ula dhaqano”.

Xilli ciyaareedkii hore Man City ayaa badisay 14 kulan oo xidhiidh ah waxana ay arintaas ka caawisay in ay Liverpool ku garaacaan horyaalka waxana uu daafaca reer England aaminsan yahay in ay kooxdiisu mar kale u baahantahay in ay sidaas samayso si ay Liverpool u dhaafto.

“Waxa aan u baahanahay 14 guul oo xidhiidh ah? waa waxa kaliya ee naga xiga in aan Liverpool ku garaacno horyaalka, waana xaqiiqo jirta?ayuu Walker sii raaciyay.