Laba Xiddig Oo Liverpool Muhiim U Ah Oo La Xaqiijiyay In Ay Seegi Doonaan Kulanka Crystal Palace

1789

Liverpool ayaa la kulantay dhirbaaxo xun ka hor kulanka Crystal Palace ee horyaalka premier League iyada oo ay seegi doonaan xiddigaha Mohamed Salah & Andy Robertson.

Labada xiddig ayaa la sheegayaa in ay seegi doonaan kulankaas sabab la xidhiidha dhaawacyo kuraanta ah oo ka hor istaagay in ay ka qayb galaan kulamadii Fasaxa xulalka.

Sky Sport ayaa haatan sheegaysa in la filayo in ay labada xiddig seegaan kulanka ay Reds booqan doonto kooxda Crystal Palace.

Mohamed Salah ayaa wali ku dhibaatoonaya dhaawac ka soo gaadhay kuraanta kulankii ay Liverpool 2/1 uga badisay Leicester City 5 bishii October.

Dhanka kale Robertson ayaa ku dhaawacmay kulankii Man City isaga oo ka dhaawacmay kuraanta taas oo ku qasabtay in uu seego kulamadii xulka qarankiisa.