Laftagareen oo weli lagu cadaadinayo inuu Muqdisho tago

50

Safar Raísul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamse Cabdi Barre , uu dhawaan ku tagay magaalada Baydhabo ee xarunta KMG ee maamulka Koonfur Galbeed, ayeysan kasoo bixin wax natiijo ah oo ay ku qanci karto Villa Soomaaliya.

Xamse Cabdi Barre, ayaana Madaxweynaha Koonfur Galbeed gaarsiiyay farriin uu ka waday Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh, waxa uu sidoo kale Xamse Barre ka codsaday Madaxweyne Laftagareen in uu yimaado Muqdisho lana kulmo Madaxweynaha dalka.

Madaxweynaha Koonfur Galbeed Laftagareen ayaana ka biyo diiday in uu yimaado magaalada Muqdisho, waxa uuna u sheegay Raísul Wasaaraha iyo wafdigiisa in uu kasoo tashanayo imaanshaha Muqdisho iyo qodobadii kale ay kawada hadleen.

Villa Soomaaliya ayaa ku cadaadineysa Madaxweynaha Koonfur Galbeed in uu yimaado magaalada Muqsdisho, lamana oga ujeedka ay Villa Soomaaliya u rabto in Muqdisho yimaado Madaxweyne Laftagareen oo xilligan dowladda khilaaf kala dhaxeeyo.

Sida aan xogta ku helnay Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh ayaa mar kale u xilsaaray guddoomiyaha Golaha Shacabka Sheekh Aadan Madoobe sidii Laftagareen ugu cadaadin lahaa in uu yimaado Muqdisho , si xal loogu helo khilaafka taagan.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaana wararku sheegayaan in telfoon kula xiriiray Madaxweyne Laftagareen uuna ka codsaday in uu yimaado Muqdisho . si uu ula kulmo Madaxweynaha loogana wadahadalo mad madowga xilligan taagan.

Villa Soomaaliya ayaa si weyn uga soo horjeeda qorshe uu ku doonayo Madaxweynaha Koonfur Galbeed in uu ku qabsado doorasho uu isaga maamulanayo si mar kale loogu doorto, waxa ayna Villa Soomaaliya rabtaa in la qabto doorasho iyada maamuleyso ama dib loo dhigo doorashada.

Lama oga cadaadiska hadda saaran Madaxweynaha Koonfur Galbeed ee ku aadan in uu tago Muqdisho kana ;aabto doorashada uu aqbali doono, waxa uuna dhankiisa wataa shuruudo qaarkood ku adagn yihiin Villa Soomaaliya in ay fuliso.