Liverpool oo 2-0 isaga reebtay Chelsea+SAWIRRO

1903

Liverpool ayaa guul weyn oo muhiim u ah xilli ciyaareedkeeda Anfield kaga gaadhay kooxda Chelsea iyaga oo iska maydhay ceebtii ay Blues horyaalka kaga hor istaageen 2014 isla markaana 2-0 kaga adkaadeen xiddigaha Maurizio Sarri.

Geesiyada kulankan ee Reds ayaa ahaa wiilasha reer Afrika ee Sadio Mane iyo Mohamed Salah kuwaas oo laba daqiiqo gudahood ku dilay rajo kasta oo ay kulanka ka qabtay Chelsea guul khaas ahna gacanta u geliyay kooxdooda.

Liverpool ayaa dib ugu soo laabtay hogaaminta Premier league kadib markii ay saddex dhibcood oo ay si buuxda ugu dagaalantay kaga gaadhay Chelsea waxayna hadda Reds awooday in ay soo dhaaftay imtixaankii ugu adkaa ee xili ciyaareedkan uga hadhsanaa.

Liverpool waxaa u hadhsan afar kulan oo kaliya oo ayna ku jirin kooxaha waa wayn ee Premier league waxayna hadda culayska ugu badan ku wareejisay Man City oo ay baaqi u yihiin shan kulan oo ay laba ka mid ah la ciyaari doonto Man United iyo Tottenham

Shaxaha Labada Kooxood Ee Kulankan

Liverpool: Alisson, Alexander-Arnold, Matip, van Dijk Robertson, Henderson, Fabinho, Keita, Salah, Firmino, Mane

Keydka: Wijnaldum, Lovren, Milner, Sturridge, Mignolet, Shaqiri Origi

Chelsea: Arrizabalaga, Azpilicueta, Rudiger, Luiz Emerson Palmieri, Kante, Jorginho, Loftus-Cheek, Willian Hazard, Hudson-Odoi

Keydka Barkley, Higuain, Pedro, Caballero Kovacic, Giroud, Christensen

Falanqayta Guud Ee Kulanka

Kulanka ayaa ku bilaabmay qaab degen oo aad moodo in labada kooxood ay ku kala jiraan feejignaan dheeraad ah waxaana ay koox kasta ahayd mid daqiiqadihii ugu horreeyay ee kulanka ilaalo xoogan ka haysay shabaqeeda.

Salah ayaa sameeyay isku daygii ugu horreeyay ee kulanka kaddib markii uu tijaabiyay goolka Blues darbadna la beegsaday balse waxa kubadda xakameeyay goolhaye Kepa.

Daqiiqado kaddib isla Salah ayaa ku dooday in rigoore lagu galay kaddib cadaadis uu kala kulmay David Luiz balse garsoorka kulanka oo ahaa Michael Olivier ayaa gabi ahaanba diiday inuu qalad dhigo.

Henderson ayaa ku dhawaaday inuu kubad kusii dhacday daafaca Chelsea ku hubsado shabaqa isaga oo laag gantaal ah tuuray kaddib daafacu isku dhigay goolhayuhu jiho qaldan aaday balse kubadda ayaa halka sarre ka martay goolka oo banaan.

ALA MAXAY FURSAD AHAYD: Willian Borges ayaa kubadda la dhex qaaday inta badan daafaca Reds isaga oo goolka si furan ugu helay darbad isla markaana kubadda tuuray, 30 jirkan oo kubadda intii xoogiisa ah laagay ayaa wax yar u mariyay birta goolka darbadiisa isaga oo kulanka 0-1 ka dhigi karayay.

JAWAAB KULUL: Wiilasha Jurgen Klopp ayaa ka jawaabay fursadii Willian waxaana baas habaysan diilinta ganaaxa agteeda soo dhigay Salah isaga oo darbada uu tuuray Sadio Mane, Kubadda oo halisi ku dhammaatay ahaydna mid wareegaysa ayaa wax aan badnayn u martay cidhifka midig ee goolka Kepa.

Qaybta hore ee kulanka ayaa kusoo dhammaatay bar-bardhac goolal la’aan ah walow ay labada kooxood soo bandhigeen kulan xiiso weyn leh oo fursado goolal loo bedeli karayay la kala helay.

GOOAL: Qaybta labaad ee kulanka ayaa ku bilaabatay gool ay dhalisay Liverpool, Xiddigaha Reds ayaa si cajiib ah kubadda usoo wada dheelay waxaana ugu dambayn karoos farsamaysan goolka hordhigay Henderson iyadoo Mane uu si sahlan madax ugu qabtay kubadda sidaana kulanka kaga dhigay 1-0.

GOOAL: Reds ayaa kaga dhigay Blues YAAN LOO KALA REEBIN, Salah oo garabka midig taagnaa in badana ka durugsanaa goolka ayaa darbad gantaal ah kasoo tuuray meel aad uga fog goolka waxaana uu xagasha ay labada birood iskaga tagaan ka dhaliyay gool indho daraandar ah.

Intaa kaddib Chelsea ayaa hurdada ka kacday, Emerson oo daafaca bidix uga dheelayay ayaa baas usoo dhigay Hazard kaas oo intii karaankiisa ah kubadda laagay balse uu laagiisu abaaray birta goolka goolhaye Alisson.

MARKALE HAZARD ayaa daqiiqado kaddib fursada hore karoos joog hoose ah ka helay Willian waxaana uu kubadda sideeda u darbeeyay isaga oo toos u hortaagan goolka balse goolhaye Alisson ayaa markale is muujiyay badbaado wanaagsana sameeyay.

Intaa kaddib Liverpool ayaa u muuqatay mid isku hubsatay dhibcaha saddexda ah ee kulanka dhex yaalay waxaana ay isku dayeen inay markan kulanka si guud u xakameeyan.

Salah ayaa fursad kale ku tuuray Kepa laakiin goolhayaha ree Spain ayaa markan kubadda si sahlan ku qabsaday, Sidoo kale Arnold oo kulankan shaqo weyn hayay ayaa isku day sameeyay balse goolhayaha ayaa markale qabsaday kubadda sababtoo ah in laagiisu sahlanaa

Mane ayaa daqiiqadihii dambe ee kulanka sameeyay fursad weyn oo uu ku doonayay in natiijadu noqoto 3-0 isaga oo kubadda ku dhaafay daafaca Chelsea isla markaana laag adag sameeyay isaga oo geeska bidix ka taagan goolka, Goolhaye Kepa oo kulankan muhiim u ahaa Blues ayaa markale kubadda ka badbaadiyay Mane.

Chelsea ayaa u muuqtay mid niyadjabtay isla markaana aan kubbada ku dagaalami karin waxayna waxayna Liverpool awooday in ay ciyaarta natiijo ahaan iyo guul ahaanba ugu dishay Chelsea.

Ugu danbayn ciyaarta ayaa ku dhamaatay 2-0 ay Liverpool ku garaacday Chelsea isla markaana ay iskaga reebtay rekoodhkii aan fiicnayn ee ay Anfield kaga haysatay Blues. Guusha Liverpool waxay ka dhigantahay in ay hadda fursad fiican u haystaan in ay koobka Premier league ku guulaysan karaan aadaama oo ay soo dhaafeen imtixaankii ugu adkaa.

 

Warar Xul Ah
Maxey Ahaayeen Erayadii Uu Jurgen Klopp Ku Kiciyay Dareenka Ciyaartoydiisa Intii Lagu Jiray Nasiinada Kulankii Chelsea? Henderson Ayaa Sharraxaya.
Boqorka Masar Mohamed Salah Oo Afar Eray Uga Jawaabay Markii La Weydiiyay Inuu Sharaxo Dabaal Dagii Chelsea.
XOG: Muddo Hal Bil Ka Yar Ayaa Premier League Ka Hadhay, Akhriso Kulamada Ay Liverpool & Man City Koobka Horyaalka Ugu Kala Guulaysan Doonaan.
ISBAR-BARDHIG: Xogta Isbar-Bardhiga Mohamed Salah & Eden Hazard Ee Xilli Ciyaareedkan – Hoggaamiyahee Xog Fiican Labada Hoggaan Ee Liverpool & Chelsea?
RASMI: Chamberlain Iyo Joe Gomez Oo Lagu Soo Bilaabay Shaxda Liverpool Ee Maanta Muddo Dheer Kaddib
DAGAAL: Real Madrid Iyo Barcelona Oo Dagaalkoodii Gadhay Waddanka China Iyo Laacib Da’ Yar Oo Madaxa Isku Geliyey
Sababta Aanay Liverpool U Daawan Doonin Ciyaarta Man City Ee Maanta, Sida Aanu Farxad U Dareemaynin Iyo Naby Keita Oo Arrimo Badan Bannaanka Keenay Ka Hor Kulanka Chelsea
YAAB! Cunsuriyad Lagula Kacay Carruurta Xiddigii Reer France Ee Djibril Cisse Oo Dunida Ka Yaabisay Iyo Liverpool Oo Fadeexad Dhax Fadhida
TOP 10: Halkan Ka Akhriso Tobbanka Xiddig Ee Lacagaha Ugu Badan Heshiiskooda Lagu Jabin Karo Iyo Xiddig Real Madrid Ah Oo Ka Qiimo Badan Lionel Messi.
Lionel Messi Oo Hogaaminaya Liiska Tobanka Ciyaartoy Ee Xili Ciyaareedkan Kulamada Ugu Badan Ku Guulaystay Xidiga Garoonka Ugu Fiican Ee Qaarada Yurub .