Liverpool ayaa bar bar dhac bilaa goolal ah waxa la galeen Crystal Palace oo marti ugu aheyd lugta labaad ee horyaalka waxa ayna ku hishiiyeen bar bar dhac min hal gool ah xilli kooxda Klpoo kulankaas uu kaarka casaanka ka qaatay Nunez .
Sheekada ciyaarta : Liverpool ayaa kulanka ku biloowday hab ah 3-3-4 xilli macalinka Klopp badalo uu sameeyay waxaana u sabab ah dhaawacyada kooxda ay mareyso halka Palace ay ku soo galeen 1-4-5 waxa ayna garbaha ka xerteen halis waliba oo ka imaan kartay wiilasha Klopp
Liverpool nasiinada waxaa loogu diray gool qaladkiisa daafaca uu lahaa waxaana ka dhaliyay Zaha daqiiqadii 32-aad
Sidaas oo ay tahay Liverpool iyaga ayaa kubadda maamulayay wax ayna mararka qaar gaarayeen %70 balse daafac ayaa laga xertay.
Wilfried Zaha waa ciyaaryahankii ugu horeeyay ee Crystal Palace ah oo laba kulan oo Premier League ah gool kaga dhaliyay Liverpool garoonka Anfield tan iyo May sanadkii 2015-kii
Soo laabashadii , wax gaar ah oo is badalay ma jirrin oo Liverpool isku dayo kala duwan ayay sameynayeen halka iyana lagu weeraraayay mararka qaar kubadaha rogaal celiska ah.
Xilli xaalka sidaas ahaa ayna weysanayeen xal goolka bar bar dhaca ku keenaan waxaa xaalka xumeeyay Nunez oo kaarka casaanka tooska ah qaatay ka dib markii uu madaxeeyay Joachim Andersen waxa ayna dhacadaas dhacday daqiiqadii 57-aad
Sidaas oo ay tahay , Liverpool waxa ay heleen durba goolka bar bar dhaca ka dib uu ka shaqeystay Diaz waxa uu ku hubsatay shabaqa Palace daqiiqadii 61-aad
Kooxda martida xal ma hayn oo aan ka aheyn kubadaha rogaal celiska ah waxaana ka dilayay go`aano qaadasho deg deg ah oo ay sameynayeen waxaana ugu darna Zaha .
Inkastoo 10 ciyaaryahan ay ahaayeen hadana Liverpool iyaga ayaa ka dhaq dhaqaaq wacnaa kooxda Palace oo daafac ahaan wacnaa balse kama aysan faa`ideysan kubadaha rogaal celiska ah oo qarakood halis ahaa , waxa ayna ciyaarta ku dhamaatay min halkaas gool.