Liverpool Oo Cashar U Dhigtay Man United +SAWIRRO

78

Kooxda Liverpool ayaa cashar lama ilaawaan ah u dhigtay Man United kulan ka tirsanaa premier League.

 

Kulanka ayaa ku bilowday si dar-dar leh iyada oo Man United bilowday in ay halis galiso Liverpool.

 

Daqiiqadii 8-aad ayay Liverpool dhalisay gool laakiin goolka ayaa la diiday sabab la xidhiidha Offside.

 

Liverpool ayaa daqiiqadii 33-aad dhalisay goolka 1-aad ee ciyaarta waxana u dhaliyay xiddiga Luis Diaz kaas oo baas ka helay Mohamed Salah isaga oo ciyaarta ka dhigay 1/0.

 

Kooxda Slot ayaa sii waday cadaadiska iyo weerarada ay ku qaadayso Man United si ay u helaan goolal kale.

 

Mohamed Salah oo ahaa xiddiga garoonka ayaa mar kale baas cajiib ah u dhiibay xiddiga Luis Diaz kaas oo daqiiqadii 42-aad gool u badalay fursadaas ciyaartana ka dhigay 2/0 ay Liverpool ku hogaaminayso.

 

Waxa sidaas ku dhamaatay qaybta hore ee ciyaarta oo ay Liverpool ahayd kooxda fiican.

 

Qaybta dambe ayay Liverpool si dar-dar leh ku bilaabatay iyaga oo cadaadis xoogan saaray kooxda Man United.

 

Daqiiqadii 56-aad ayuu Mohamed Salah dhamaystiray qaab ciyaareedkiisa fiican waxana uu dhaliyay goolka 3-aad waxana uu ciyaarta ka dhigay 3/0.

 

Liverpool ayaa heshay fursado badan oo ay ku dhalin kartay goolal kale laakiin umay suurtaglin in ay goolal dhaliyaan.

 

Waxa sidaas ku dhamaatay ciyaarta oo ay Liverpool gaadhay guul weyn kana gaadhay kooxda Man United.