Liverpool oo gaartay wareega sideed dhamaadka champions league +SAWIRRO

1865

kooxda Liverpool oo daaqada ka saartay kooxda Bayer kaddib markii ay kaga adkaadeen 3-1.

Qeebtii koowaad ee kulan ciyaareedka ayaa ahaa mid aad u xiiso badan , ciyaartoyda labada dhinac ayaana soo bandhigay ciyaar aad u qurux badan walow bara baro 1-1 lagu kala nastay .

Kooxda Liverpool oo marti aheyd ayaa la hor martay goolka waxaana u dhaliyey xidigooda reer Sinagal ee Mane daqiiqadii 26-aad ciyaarta waxaana goolkaas caawinteeda lahaa van Dijk.

Bayer xaalka ayaa ku xumaaday markii laga dhaliyey gool balse waxa ay durba heleen goolka bareejada walow ay lugtooda aysan ku keensan goolkaas oo waxaa iska dhaliyey daafaca kooxda Liverpool ee Matip daqiiqadii 39-aad ee ciyaarta .

Kulan ciyaareedka qeebtii koowaad ayaa lagu kala maray bareejo , balse waqti nasiino talo soo qaadasho kaddib waxaa dib loo anba qaaday qeebtii dambe ee ciyaarta .

Kooxda Liverpool ayaa ku soo gashay dar dar xoogan qeebtii dambe ee ciyaarta iyaga oona la yimid gool kale oo labaad waxaan goolkaas dhaliyey van Dijk daqiiqadii 69-aad ee ciyaarta kaddib kubad gees kalaad aheyd oo uu soo qaaday Milner .

Mane ayaa ayaa sii quusiyey rajadii kooxda Bayer kaddib markii u dhaliyey goolka sedexaad ee Liverpool iyo goolkiisa labaad ee ciyaara waxaana goolkaa ka caawiyey Mohamed Salah.

Ugu dambeen kulan ciyaareedka ayaa ku soo dhaamada ( 3-1) kooxda Liverpool ayaana u awood sheegatay kooxda Bayer una gudubtay wareega xiga ee sideed dhamaadka tartanka Champions League.