Liverpool Oo Iska Xaadirisat Wareegga 8-da Champion-ka+SAWIRRO

1318

Liverpool ayaa iska xaadrisay wareegga 8-da Champion-ka ka dib laba gool ay ku garaaceen kooxda RasenBallsport Leipzig oo kulankii hore ay ku soo garaaceen isla laba gool

Nasiinada waxaa lagu aaday bar bar dhac bilaa goolal ah xilli ay jireen fursado xaqiiq ahaa oo kaliya nasiibka uu ka maqnaa xilli Liverpool uu hor istaagay gool hayaha iyo birta .

Liverpool waxa ay ciyaarayeen kubad deggan waxa ayna dagaal ugu jireen in gool uusan taaban shabaqooda waana ku guuleysteen xili kulankaan biloowgii kubad hayshada ay ku wacneyd Liverpool balse inta dambe oo idil waa looga sareeyay.

Qeybta labaad , RasenBallsport Leipzig ayaa dar dar wacneyd kubadana ku badneyd balse halis gilin muuqata kuma aysan sameyn goosha kooxda Klopp

Liverpool waa ay ku wacnaayeen in kubadda ka kala jaraan weeraryahanadaa RasenBallsport Leipzig oo dadaal ugu jiray in afka hore soo gaareen balse taasi badalkeeda Liverpool waxa ay ka faa`ideysteen daafaca kooxda kale oo si ka bad badis ah afka hore ugu soo dhaqaayay.

RasenBallsport Leipzig waxaa fursado xaqiiq ahaa ka bad baadiyay goolhayaha Liverpool , waxa ayna saaxibada Mane gool heleen daqiiqadiii 71-aad waxaana saxiixay Salah waxaana ka shaqeeyay Jota halka goolka labaadna ay heleen daqiiqadii 74-aad xilli uu saxiixay Mane waxaana ka shaqeeyay Origi .

Ka dib dhacadaas , kubadda Liverpool ayaa ku badneyd kuwaasi oo kubadaha rogaal celiska ah kaga badiyay kooxda reer Jarmal , wax aayan ciyaarta ku dhamaatay labadaas gool ee ay guusha ku raacday Liverpool.