Liverpool Oo Sii Dheereysatay Hogaanka Horyaalka +SAWIRRO

2250

Sheekada Labada Qeyb: Liverpool ayaa nasiinada ugu dirtay kooxda Leicester City – 1 hal gool oo nadiif oo uu saxiixay Firminho ka dib ciyaar deg degsiimo laheyd .

Liverpool daqiiqaddii koowaad ayay laba fursad deg deg ah heleen waxa ayna ciyaarta aheyd mid Liveprool ay ku soo bandhigtay hanaan ciyaareed aad u wacan .

Leicester City daafac ahaan waa ay wacnaayeen balse waa u nuglaayeen gool marka la eego kubadda ay ciyaareysay Liveprool waxaana daqiiqaddii 10-aad fursad xaqiiq ah ku sigay Leicester City xiddiga lagu magacaabo Salah .

Cadaadis aan kala joogsi laheyn ayay Liveprool ciyaareysay waxa ayna ku guuleysteen dhanka kale in Leicester City aysan halis gilin ku sameyn gooshooda oo daafacooda ayaa ahaa mid adag .
Mane iyo Firminho boosaska ayay isu badalayeen waxaana kooxda martida loo ahaa laga haystay qadka dhexe waxa ayna kooxda Klopp ku guuleysteen in saaxibada Vardy kubadda gaarsiiyeen goosha Liverpool.

Dadaalkii Liverpoool waxaa ku yimid gool qurxoon oo madaxa ahaa oo uu saxiixay Roberto Firmino daqiiqaddii 31-aad waxa ayna Leicester City daqiiqaddii 33-aad gool xaqiiq ahaa si cajiib ah goolhayha Leicester City uga bad baaidyay Mane .

Liverpool si wacan ayay isugu balaarinayeen garoonka , marka kubadda cagtooda ka baxdana waa ay soo deg degayeen xilli Gomez uu ku guuleystay in uu is hor taago halista Vardy .

Qeybta labaad , Leicester City waxa ay u muqudeen kuwo maciin biday daafac kaliya waxa ayna ka sheeganayeen in ay qaldayeen baasaska .

Liverpool waxa ay ku sigteen daqiiqaddii 56-aad gool labaad balse goolhayaha ayaa ka bad baadiyay , iyaga ayaana ku badnaa kubadda xilli Leicester City ay ka sheeganayeen in ay kubadda horay u soo jiidaan

Qeybihii dhamaad xigeenka , waxa ay kooxda martida bilaabeen in ay kubadda horay u soo dhaqaajiyaan balse daafaca Liverpool ayaa diidanaa sheekooyinkaas .

Liverpool waxa ay sameeyeen laba badal ah , waxa ayna daqiiqaddii 69-aad saareen Salah iyo Naby Keita waxaana lagu badalay Divock Origi iyo Milner oo dirba lagu soo dhaweeyay rigoore kooxdiisa ay heleen waa uuna dhaliyay daqiiqaddii 71-ad waxa ayna rigooradaas ku timid kubad gacanta lagu taabtay.

Ka dib goolkas , ciyaarta hal dhinac ayay noqotay , Liverpool kubad xooggan ayay ciyaareysay waxa ayna keeneen gool sedexaad oo uu saxixiay Firminho waliba isaga ayaa horay uga soo shaqeeyay waxa uuna goolkaas yimid daqiiqadii 74-aad

Ka dib wax laga qoro ma jirin ciyaarta , Liverpool wax ay soo bandhigeen in ay yihiin kooxda ugu daafaca adag horyaalka Ingiriiska gool afaraad ayay heleen waxaana daqiiqaddii 78-aad dhaliyay Trent Alexander-Arnold

Si waliba , Liverpool waa u diideen Leicester City xittaa goolka sharafta waxa ayan ugu dhameeyeen afar gool oo nadiif ah oo ay hogaanka ku sii dheereysteen.