Liverpool Oo Soo Xasuuqday Arsenal +SAWIRRO

1818

Liverpool ayaa xaaladda ku murisay Arsenal waxa ayna uga soo talaabsaden sedex gool oo nadiif ah ka dib ciyaar hal dhinac aheyd ee ay soo bandhigeen kooxda tababare Klopp

Sheekada Labada Qeyb:Arsenal iyo Liverpool ayaa nasiinada ku aaday bar bar dhac bilaa goolal ah xilli kooxda Aretta ay qeybtaas ku soo muuqdeen hab liita oo waxa ay u muuqdeen kuwa aan u soo diyaar garoobin kulankaas .

Liverpool ayaa aad kugu sareeysay maamulka kubadda inkastoo fursado badan oo xaqiiq ah aysan abuurin waxa ayna kooxda Arsenal ciyaarayeen kubad daafac ah halka ay maciin bidiyeen kubadhaa rogaal celiska ah kuwaas aan meel fog gaareyn .

Arsenal xittaa marka kubadda cagtooda soo gasho waxa ay ka sheeganayeen in durba ay cagtooda ka baxeysay xilli Liverpool ay ka qabsadeen kooxda Arteta maamulka qadka dhexe waa ayna mudnaayen goolal balse go`aaminta ugu dambeysay ayaa ka maqneyd .

Arsenal cadaadiska iyaga ayuu saarnaa waana ku adkeyd in kubadda ka soo fogeeyaan aagga gooshooda , waxaana kaliya la xusi karaa in Arsenla 10 daqiiqo ee biloowga ciyaarta ay yara wacnaayeed oo afka hore u soo dhaqaaqayeen iyadoo Arsenal daqiqiadii 45-aad dhaawac looga saaray Kieran Tierney xiligaas oo lagu badalay Cedric Soares.

Qeybta labad , biloowgii ma jirrin wax is badal ah oo Liverpool iyaga ayaa kubadda ku sareeyay balse ma aheyn mid micno leh maadaama aysan xarfaan ku noqon goosha Arsenal kuwaasi oo mararka qaar isku dayay in kubadda soo gaarsiiyaan aagga Liverpol waxa ayna daqiiqadii 56-aad so9o giliyeen Mohamed Elneny oo loo saaray Daniel Ceballos halka Liverpool iyana ay soo giliyeen Diogo Jota oo daqiiqadii 61-aad loo saaray Andrew Robertson

Liverpool waa ay mudnaayen goolal marka loo eego dadaalkooda , waxa ayna ugu dambeyn heleen gool uu si cajiib ah u dhaliyay Jota daqiiqadii 64-aad waxaana goolkaas ka muuqday qalad dhanka daafaca ah .

Ka dib goolkaas, Arsenal waa isku dhex yaaceen waana adkeyd in kubadda si sax u soo jiidaan illaa lagu keenay gool labaad waxaana ka shaqeystay Salah oo si cajiib ah uga dhaliyay daqiiqadii 68-aad , waxa ayna Arsenal daqiiqdii 77-aad soo giliyeen Martinelli oo loo saaray Aubameyang halka Liverpool soo giliyeen Georginio Wijnaldum oo loo saaray Firminho.

Inakstoo badaladaas ay sameeyeen Arsenal hadana maskixyan uma aysan joogin kulanka oo daafac kaliya ayay ku fikarayeen taas oo aan ugu dambeyn shaqeyn waxaana loogu daray gool sedexaad oo uu saxiixay Jota daqiiqadii 82-aad ka dib qalad baas oo ka dhacay daafac Arsenal.
Arsenal waxa ay guud ahaan ka sheegteen klulankaan in kubadaha si sax ah uga qaatana Liveprool waxaana saarnaa cadaadis aan kala joogsi laheyn xili ciyaarta ay ku dhamaatay sedex gool oo nadiif ah.