Liverpool Oo U Awood Sheegatay Everton Xilli Ay Aheyd Habeenkii Mane .

1862

Kooxda Liverpool ayaa nasiinada ugu dirtay Everton 4/2 ka dib ciyaar maamulkeeda ay ku sareysay kooxda Klopp waxa uuna kulankaanka tirsanaa wareegga 15-aad ee horyaalka Ingiriiska

Liverpool ayaa ciyaarta ku biloowday hab habeysan iyo basaas caqliyaysan , waxa ayna biloowgii ku keeneen Everton gool uu si cajiib ah u baasay Mane kaasi oo laba daafac ka farsameystay una baasay Origi oo shabaqa dhigay daqiiqaddii 6-aad.

Everton waxaa ku adkaa in kubadda ay cagta ku hayaan waliba ay dhanka Liverpoool si sax ah u gaaraan waxa ayna u nuglaayeen gool labaad .

Everton kubad deg degsiimo leh ayay ciyareysay , si wacan ayayna isugu balaarinayeen garoonka waxa ayna mar kale heleen gool labaad waxaana si qurux badan daafaca Everton u gadaal marsiiyay Mane waxaana daqiiqaddii 17-aad dhaliyay Xherdan Shaqiri.

Everton waxa ay ku tiirsaanayeen kubadaha rogaal celiska ah oo ay doonayeen in ay gool ku keenaan , waxa ayna daqiiqaddii 21-aad heleen gool uu saxiixay Michael Keane .

Everton wax niyad jab ah kama qaadin goolkaas kubad qurxoon oo dar dar leh ayay ciyaarayeen halka dhanka daafacana ay ahaayeen kuwo foojigan waxa uuna goolka sedexaad yimid daqiiqaddii 31-aad waxaana qaab qurux badan u dhaliyay Divock Origi kaasi oo kubad uu maamulay shabaqa Everton dhigay .

Everton dhamaadkii isku dayo kala duwan ayay sameysneysay balse daafaca Liverpool waa diidaana , waxaana kulankaan aad u fir fircoonaa Mane oo kubado sameynayay .

Gool afaraad oo ay mudnaayeen ayay dhaliyeen Liverpool ka dib kubad rogaal celis aheyd ayaa waxaa dhaliyay Mane daqiiqaddii 45-aad halka Everton gool labaad ay heleen dhamadkii waqtigii dheeriga ka dib kubad si wacan loo soo dhisay waxaana saxiixay Richarlison .

Guud ahaan , Everton waxaa ka muuqatay dabacsanaan dhanka daafac iyo foojignaan la`aan waxaana lagu nastay 4/2.

Soo laabashadii , ciyaarat qaab qaboow ayay ku bilaabatay mana jirin isku dayo halis ahaa oo ay labada dhinac sameeyeen .

Origi ayaa ahaa baxsad waxa uuna baadi goobayay gool sedexaad xilli Everton ay maciin bidayeen kubadaha rogaal celiska ah balse guud ahaan Livepool iyaga ayaa ku badnaa maamulka kubadda .

Everton mararka qar fursado ayay halayeen waliba afka hore ayay u soo dhaqaaqayaan balse dhameystirka ayaa ka maqnaa waxana la gudboonaa in ay foojignaadaan .

Liverpool daqiiqadii 73-aad wax ay hal mar soo wada giliyeen Henderson iyo Firmino oo loo badalay Lallana iyo Origi si goolal dheeraad ah ay u keenaan xilli ciyaarta aheyd mid furan.

Inkastoo qeybta labaad ay yarayaan kubadaha laadka hadana dhmdkii Liveprool waa ay sameynayeen waxaana xusid mudna in qeybytii hore ay aheyd middii wacnayed

Liverpool daqiiqadihii geerida si wacan u ciyaarayeen gool 5-ad ayay raadinayeen daqaddii 83-ad soo giliiyeen Gomes oo loo badalay Alexander-Arnold waxa ayna 90-kii dhaliyeen gool 5-aad u saxiixay Georginio Wijnaldum