Liverpool Oo U Dagaalamaysa Sidii Ay U Sii Haysan Lahayd Mohamed Salah Oo Dalab Ka Helay Laba Kooxood Oo Waaweyn Oo Reer Yurub Ah

1686

Kooxaha Bayern Munich & Paris Saint-Germain ayaa lagu soo waramayaa in ay isku diyaarinayaan in ay dalab aad u sareeya ka gudbiyaan xiddiga kooxda Liverpool ee Mohamed Salah dhamaadka xilli ciyaareedkan.

Xiddiga reer Masar ayaa ah xiddiga ugu fiican Liverpool tan ilaa markii uu ku soo biiray kooxda sanadka 2017 isaga oo dhaliyay 80 gool 123 kulan oo uu saftay tartamada oo dhan.

Salah ayaa haatanba xilli ciyaareedkan ku lug leh 9 gool isaga oo dhaliyay 5 sidoo kale 4 kale caawiye ka noqday laakiin waxa jira warar sheegaya in uu 27 jirku ka fiirsanayo mustaqbalkiisa.

Kooxda Real Madrid ayaa si weyn loola xidhiidhinayay xagaagii waxana ay kooxda Los Blancos doonaysa saxiixiisa si ay ugu badasho Gareth Bale.

Laakiin wararka ka imaya ayaa sheegaya in ay kooxaha Bayern Munich & Paris Saint-Germain isku diyaarinayaan in ay dalab 200 ooo milyan ah ka gudbiyaan xiddiga.

Mohamed Salah ayaa haatan kula jira kooxda Liverpool heshiis ku eg ilaa xilli ciyaareedka 2022-23