Liverpool ayaa guul weyn kala soo laabatay Italy waxa ayna Atlanta uga soo talaabsadeen 5 gool oo nadiif ah ka dib kulan hal dhinac ahaa.
Sheekada labada qeyb: Ciyaar iska daganeyd balse Liverpool ay kubadda ku badneyd ayay aheyd waxa ayna kooxda klopp nasiinada ugu direen Atlanta laba gool oo nadiif ah
Liverpool si wacan ayay isugu balaarinayeen garoonka waxaana ka go`anaa in natiijada waqti hore maamulaan balse waxaa fursado xaqiiq ahaa u diidayay goolyaha Atlanta oo bad baadinno cajiib ah sameeyay.
Atlanta waxaa ku adkaa in kubadda horay u soo jiidaan kaliyana hal jeer ayay tageen aaga goosha Liverpool waxaana xilligaas kubad gool loo turjumi karay daqiiqaddii 14-aad ka bad baadiyay goolyahaha Liverpool.
Goolahas Liverpol waxaa dhaliyay Diogo Jota waxa ayna yimaadeen daqiiqadihii 16 iyo 33-aad , waxana qeybtaas hore guud wacnaaa Liverpool .
Soo laabashadii , durba Liverpool gool cajiiba ah ayay heleen ka dib kubad uu la soo baxsaday Salah kaasi laba daafac ka farsameystay waxa uu ku dhaliyay gool aad u qurxoon waxa ayna aheyd daqiiqadii 47-aad waxana mid kale sii raaciyay Mane daqiiqadii 49-aad
Atlanta maqane jooge ayay ahaayeen kulankaan mana jirrin isku day yar oo ay sameynayeen oo ah in xitaa kubadda cagtooda ay ku daahdo waxaan loo sii racaiyay gool 5-aad waxa ayan habeenkiisa aheyd Diogo Jota, waxa ayna Liveprol daqiiqadii 65-aad soo giliyeen Naby Keita oo loo saaray Andrew Robertson
Qeybihii dambe mararka qaar Atlanta isku dayo ayay sameynayeen balse ma aheyn kuwo meel fog jiray waxa ayna Liverpool badalkood labaad ku soo giliyeen Milner iyo Firminho oo daqiiqadii 66-aad loo saaray Henderson iyo Jota
Dhamaadkii kooxda Atlanta waxa ay muujiyeenin ay ka wacan yihiin qeybtii hore balse waxaa isku day waliba ay sameeyaan is hor taagayay goolhayaha Liverpool oo kulankaan aad u foojignaa.