Liverpool Oo Xasuuqday Man United +SAWIRRO

1470

Liverpool ayaa xasuuq kubadeed u geystay Man United ka dib ciyaar ay maqane jooge ahaayeen United , waxa ayna ugu talaabsadeen 5 gool oo nadiif ah .

United waxaa nasiinada loogu diray afar gool oo nadiif ah waxaana ceebtooda ugu weyn aheyd dhanka daafaca

Ma jirrin isku xernaan , falsafad muuqata  isku dhex yaac xilli Liverpool kubad weerar ay ciyaarayeen .

Jahwareer iyo deg degsiimo meel an jrrin ayay ka sheegteen ciyaartooy United kuwaasi oo weerar ahaan maqane jooge ahaa xilli Liverpool ay ka wacnaayeen dhan waliba

United waxaa daqiiqaidii 60-aad kaarka casaanka ka qaatay Pogba oo kulankaas badel lagu soo giliyay halka Liverpool-na uu ka dhaawacmay Naby Keïta  waxaana u sabab ahaa Pogba xilli Kaite gaari xanbaar looga saaray daqiiqadii 63-aad.

United waxaa gool u dhaliyay Ronaldo  balse  offside ahaan ayaa loo diiday , , dhamaadkii De Gea ayaa bad baadiyay  United , waxa uuna kulankaan u ahaa mid musiibo

Guud ahaan Liverpool waa mudnaayeen guushaas , United guul darro ayay diyaar y ahaayeen waxa ayna ciyaarta ku dhamatay 5 gool oo nadiif ah.