Luis Suarez Ku Biiri DoonA Atletico Madrid

1504
BARCELONA, SPAIN – OCTOBER 06: Luis Suarez of FC Barcelona looks on during the Liga match between FC Barcelona and Sevilla FC at Camp Nou on October 06, 2019 in Barcelona, Spain. (Photo by Aitor Alcalde/Getty Images)

Kooxda Atletico Madrid ayaa ku dhaw in ay dhamaystirto saxiixa xiddiga Kooxda Barcelona ee Luis Suarez sida la xaqiijiyay.

Luis Suarz ayaa la kansalay heshiiskii uu kula jiray kooxda Barcelona kadib markii uu Tababare Ronald Koeman u sheegay in uuna ku jirin qorshihiisa.

Saxafiga Roberto Gomez ayaa Radio MARCA u xaqiijiyay in uu Luis Suarez haatanba yahay xiddig Atletico Madrid ah kaliyana hadhsnatahay in lagu dhawaaqo heshiiska xiddiga.

Isaga oo arintaas ka hadlaya ayaa yidhi”Luis Suarez haatanba waa xiddig Atletico Madrid Ah”.

Xiddiga Luis Suarez ayaa si weyn loola xidhiidhinaya in uu isaga tagayo kooxda Barcelona tan ilaa dhamaadkii xilli ciyaareedkii.

Suarez ayaan wax tababar buuxa ah la qaadan kooxda 1-aad ee Barcelona isaga oo tababar kaligiis ah qaadanaya tan ilaa intii uu bilowday tababarka isku diyaarinta xilli ciyaareedka cusub.