Luka Modric Oo Laga Saaray Liiska Xulka Qarankiisa & Sababta Oo La Ogaaday

1855

Xiddiga khadka dhexe uga ciyaara Kooxda Real Madrid ee Luka Modric ayaa laga saaray liiska xulka qarankiisa Croatia ee kulanka ugu dambeeya ee is reeb-reebka xulka qarankiisa ee tartanka Euro 220.

Xiddiga kabtanka u ah xulka qarankiisa ayaa ku laabtay Madrid si uu taababarka ula qaato kooxdiisa ka hor kulamada kadib fasaxa xulalka.

Modric ayaa soo maray wakhti fiican oo uu ku guulaystay lugta dahabka ah ee xiddiga ugu fiican ee ka weyn da,da 29 jirka ka hor inta uuna xulka qarankiisa ku hogaamin tartanka Euro 2020.

Xiddiga 32 jirka ah ayaa go,aansaday in uu isaga tago tababarka xulka qarankiisa isaga oo tababarihiisa waydiistay in uu doonayo in uu ku laabto Madrid si uu tababarka ula qaato kooxdiisa.

Wargayska MARCA ayaa sheegaya in uu xidhiidhka dalkiisu u ogolaaday in uu isaga tago tabaabrka xulka qarankiisa iyo kulanka ugu dambeeya ee is reeb-reebka maadama uu xulkiisu wakhti hore u soo baxay is reeb-reebka.