Tababarihii kooxda PSG Oo Shaqada laga caydhiyay

1469

Kooxda PSG ayaa lagu soo waramayaa in ay shaqada ka caydhisay tababare Thomas Tuchel Inkasta oo uu guul ku hogamiyay kooxda kulankii Strasbourg kulan ka tirsanaa horyaalka France.

Tababare Thomas Tuchel ayaa ka tagay shaqada kooxda PSG inkasta oo uu kooxda geeyay Final-ka tartanka champions League xilli ciyaareedkan.

Kooxda PSG ayaa si xun ku bilaabatay xilli ciyaareedkan iyaga oo kaalinta 3-aad kaga jirta horyaalka Ligue 1 ee dalka France.

Sidoo kale kooxda reer France ayaa si xun u ciyaartay Champions League inkasta oo ay kaalinta 1-aad kaga soo bexeen Group-kooda kulankii ugu dambeeyay.