Man United Oo Garaacday Everton +SAWIRRO

1714

Goolal cajiib ah oo ay dhamaadkii ciyaarta kala dhaliyeen Edinson Cavani iyo Anthy Martial ayay Manchester United ku xaqiijisatay booskeeda semi-finalka Carabao Cup ka dib markii ay 2-0 ku dubteen kooxda Everton oo marti loogu ahaa Goodison Park.

Cavani oo ka badbaaday casaan bilowgii qeybta labaad markii uu cunaha ku dhegay Mina islamarkaana dhulka ku tuuray ayaa gool qurux badan guusha ugu xaqiijiyay Red Devils dhamaadkii ciyaarta halka Martial gool labaad dhaliyay ilbiriqsiyadii ugu danbeeyay ee ciyaarta.

Qeybtii hore ee ciyaarta ayaa ku soo dhamaatay barbaro goolal la’aan ah iyadoo labada kooxood ay soo bandhigeen ciyaar madadaalo leh.

United ayaa ciyaarta ku bilaabatay si xoogan iyagoo helay fursado ay hogaanka ku qaban kareen. Xiddigaha Cavani, Greenwood iyo Pogba ayaa dhamaantood helay fursado gooldhalin.

Laakiin Everton ayaa hurdada ka kacday dhamaadkii qeybta hore iyadoo Sigurdsson uu labo jeer tijaabiyay goolhaye Henderson oo badbaadin fiican sameeyay.

15kii daqiiqo ee ugu horeeyay qeybta labaad ee ciyaarta wax micno leh ma dhicin iyadoo labada kooxood ay taxadar muujinayeen, marka laga reebo in Cavani uu ka badbaaday in casaan toos ah la siiyo markii uu cunaha ka qabtay Mina isagoo dhulka ku tuuray. Madaama Carabao Cup aan loo isticmaalin VAR ayuu ku badbaaday xiddiga reer Uruguay.

Labada kooxood ayaan abuurin wax fursado fiican ah inta badan qeybtii labaad ee ciyaarta ilaa iyo dhamaadkii ciyaarta markii uu Edinson Cavani guusha u xaqiijiyay kooxda Manchester Uniyed.

Daqiiqadii 88aad iyadoo ciyaarta ay u muuqato in rigoore la isla aadayo ayuu Maguire kubad ka soo dhisay isagoo u dhiibay Martial kaasoo isna u sii baasay Cavani kubada la galay xerada goolka islamarkaana darbo kulul dabamariyay goolhayaha.

Bruno Fernandes ayaa isna waqtigii dhimashada ciyaarta birta garaacay halka Marcus Rashford uu fursad dahabi ah qasaariyay ka dib baas macaan uu ka helay Cavani.

Laakiin waxaa ciyaarta gool labaad ku soo xiray Martial kaasoo si fudud u dhaliyay kubad uu la kortagay goolhayaha ka dib baas uu ka helay Marcus Rashford.

Goolasha ay dhaliyeen Edinson Cavani iyo Martial ayaa ka caawiyay Manchester United inay u soo baxdo wareega afar dhamaadka Carabao Cup iyagoo soo gabagabeeyay rajadii Carlo Ancelotti uu ka qabay inuu xilli ciyaareedkan koobka u qaado Everton.

Man United ayaa haatan wareega afar dhamaadka Carabao Cup waxay kula biirtay Man City, Tottenham iyo Brentford.

Waxaa goordhow la qaban doonaa isku aadka semi-finalka Carabao Cup oo la ciyaarayo bisha Janaayo halka finalka oo markii hore la dheeli lahaa dhamaadka Febraayo loo wareejiyay dhamaadka bisha April.