Madaale oo Muqdisho ka mamnuucay Koofidaha +VIDEO

165

Maamulka Gobolka Banaadir ayaa maanta magaalada Muqdisho ka mamnuucay isticmaalka Koofida raggu qaataan, Af-xirashada (Mask) iyo hubka lala raaco mootooyinka.

Afhayeenka maamulka gobolka Saalax Xasan Cumar oo akhriyey bayaanka ka soo baxay maamulka gobolka ayaa ugu horeyn sheegay in go’aanadaan lagu gaaray shir amniga Muqdisho looga hadlayey oo madaxweyne Xasan Sheekh uu shir guddoomiyey.

Maamulka ayaa mamnuucay in la qaato Koofi iyo Af-xirasho, sidoo kale waxaa mootooyinka FEKON-ta iyo Bajaaj-ta laga mamnuucay inuu raaco qof hub wata, sida uu shaaciyey afhayeenka maamulka Gobolka.

“Wixii hadda ka dambeeya qofkii afka xirta ama koofi qaata waxaa loo arki doonaa mid ka dhuumanaya hey’daha amniga, sidaas daraadeed waa mamnuuc,” ayaa lagu yiri bayaanka.

Maamulka gobolka Banaadir ma maamulo ciidamada uu amarkaani dhaqan-gelinta ka rabo ee booliska iyo nabad sugidda ee ka howlgala Muqdisho.

Hasayeeshee maamulka gobolka ayaa ka dalbaday hey’adaha amniga inay dhaqan-geliyaan amarkaan ka soo baxay xafiiska duqa Muqdisho Yuusuf Madaale.

Hadal-heyn badan ayuu amarkaani caawa ka abuuray baraha bulshada, taas oo inteeda badan ku saabsan dhalinyarada bidaarta leh ee koofida u qaata inay madaxa ku qarsadaan.

“Koofiyadaha la mamnuucay in lahu dhex qaato Muqdisho kuma jirto mida sunada ee ‘Barawaaaniga’ loo taqaano,” ayuu yiri afhayeenka maamulka gobolka oo war-saxaafadeedka akhriyey.