Madaxweynaha K/Galbeed oo ku dhawaaqay dagaal ka dhan ah Shabaab+COD

1468

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Cabdi Casiis Xasan Maxamed(laftagareen) ayaa sheegay in hadii dadka reer Koonfur Galbeed aysan isku tashanin ay Al-Shabaab geysan doonaan dhibaatooyin ay ku waxyeelayaan dadka Shacabka ah.

Waxa uu sheegay in Maamulka Koonfur Galbeed iyo Shacabka looga baahan yahay inay siwadajir ah uga hortagaan falalka ay geysanayaan Ururka Al-Shabaab,isla markaana laga saaro deegaanada ay kaga sugan yihiin Koonfur Galbeed.

Maamulka Koonfur Galbeed ayuu sheegay inay sameyn doonaan qorsho amni oo lagu wajahayo Al-Shabaab,waxaana uu ka dalbaday Shacabka inay Ciidamada kala taageeraan dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab.

Hadalka Madaxweynaha Koonfur Galbeed ayaa kusoo aadaya xilli shalay qarax ka dhacay deegaanka Goof-gaduud Buureey ee Gobolka Baay ay ku dhinteen 5 Ruux 40 kalena ay ku dhaawacmeen.