Madaxweynaha Puntland Siciid Deni oo safarkiisii ugu horeeyay ugu ambabaxay Imaaraadka+VIDEO

1691

Madaxweynaha Maamul goboleedka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta u ambabaxay wadanka Isutagga Imaaraadka Carabta.

Safarkan oo kii ugu horeeyey tan iyo markii la doortay ayaa lagu wadaa in uu kula kulmo madaxda Isutagga Imaaraadka Carabta iyo weliba mas’uuliyiinta shirkadda DP World ee gacanta ku haysa dekeda Boosaaso.

Wararka ayaa sidoo kale waxa ay sheegayaan in uu qorsheynayo Madaxweyne Deni inuu booqasho ku tago dalal kale oo ka mid ah qaarada Aasiya sida dalka Shiinaha.

Dowlada Federalka ayaa hore u sheegtay in xiriirka dalalka caalamka uu yahay mid ay u xilsaaran tahay dowlada federalka.