Madaxweyne Farmaajo oo shirar gaar gaar ah la yeeshay Madaxda dalalka Ciraaq, Sweden iyo Talyaaniga+ sawirro

1663

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa ka qayb-galay Shir Madaxeedka Midowga Yurub iyo dalalka Jaamacadda Carabta oo maanta ka furmay magaalada Sharm El-Sheikh ee dalka Masar.

Madaxweyne Farmaajo ayaa Shir-doceedyo la yeeshay Madaxweynaha dalka Ciraaq Mudane Barham Salih, Ra’iisul Wasaaraha dalka Sweden Mudane Stefan Löfven iyo Ra’iisul Wasaaraha dalka Talyaaniga Mudane Giuseppe Conte.

Madaxweynaha iyo dhiggiisa dalka Ciraaq Mudane Barham Salih ayaa kulankooda ku lafo-guray xoojinta xiriirka labada dal iyo sidii la isaga kaashan lahaa la dagaallanka argagaxisada, sare u qaadidda ganacsiga labada dal iyo sidii deeqo waxbarasho loogu suurtagelin lahaa ardayda Soomaaliyeed.

Madaxweyne Farmaajo ayaa sidoo kale Madaxweynaha dalka Ciraaq kala hadlay cafinta deynta ay Dowladda Ciraaq ku leedahay Soomaaliya.

Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaaraha dalka Sweden Mudane Stefan Löfven ayaa ka wada hadlay adkeynta xiriirka iyo iskaashiga labada dal iyo sidii Sweden ay Soomaaliya uga taageeri lahayd dhisidda iyo tayeynta hay’adaha dowladda.

Madaxweyne Farmaajo oo shir-doceed la yeeshay Ra’iisul Wasaaraha dalka Talyaaniga ayaa kala hadlay xiriirka soojireenka ah ee labada waddan, isaga oo Dowladda Talyaaniga ka codsaday inay door weyn ka qaadato dib-u-dhiska Ciidamada Qalabka Sida, tayeynta waxbarashada iyo hirgelinta dugsiyo farsamo.